Sacuudiga oo taageeray qorshaha Masar ee Somalia xilli ay kasii dareyso xiisadda Itoobiya
Dowladaha Masar iyo Sacuudiga ayaa isku raacay in la taageero madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo Riyadh soo dhaweysay kamid noqoshada Masar ee howlgalka cusub ee Soomaaliya.
Masar ayaa haatan qorsheynaysa inay qeyb ka noqoto ciidamda cusub ee Midowga Africa ee Soomaaliya imaan doona sannadka soo socda, iyadoo durba bilowday dhaq-dhaqaaqeeda Soomaaliya.
Kulan ay magaalada Qaahira ku wada yeesheen madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna ra’iisul wasaaraha dalkaas, Maxamed bin Salmaan ayay labada dal xoogga ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga iyo nabadda ee gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen labada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Sacuudiga iyo Masar ay ka go’an tahay hirgelinta...