Somalia oo si rasmi ah u ogolaatay in ciidamada Masar ay qeyb ka noqdaan howlgalka Cusub ee AUSSOM
Baaq siyaasadeed wadajira oo ay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ka soo saareen madaxda dawladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa lagu muujiyay taageerada loo hayo xoojinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo gobnimada Jamhuuriayadda Federaalka ee Soomaaliya.
Iyadoo Dawladda Federaalka ay si rasmi ah u soo dhawaysay soo jeedinta ah, in ciidamada Masar ay ka mid noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Labada dowladood ayaa qalinka ku wada duugay in la iska diido wax kasta oo khatar ku ah midnimada iyo madaxbannaanida qaranimadooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifitaax Al-Sisii waxay baaqooda ku sheegeen in la hormariyo, lana xoojinayo wadashaqaynta dawladaha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ee ku aadan awood siinta hay’addaha dawladda Soomaaliya e...