Author: boodhari

Horjooge sare oo laga dilay Al-Shabaab + Shaqada uu qaabilsanaa
WARARKA

Horjooge sare oo laga dilay Al-Shabaab + Shaqada uu qaabilsanaa

Al-shabaab ayaa xaqiijisay dilka mid ka mid ah hoggaamiyayaashooda ugu weyn Madaxii madaxda maamulada gobolada ee Alshabaab Sheekh Maxamuud Mire Jaamac ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn cirka ah. Alshabaab ayaa sheegay in Sheekh Maxamuud lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay geysteen Mareykanka taas oo ka dhacday duleedka deegaanka Kuunyo Barow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Sheekh Maxamuud Mire Jaamac ayaa ka mid ahaa madaxda sare ee Mareykanka ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaa go’aamada qorsheynsan ee kooxda iyo hoggaaminta arrimaha gudaha ioy la socoshada howlo badan ooay xarakadu qabato. Sanadkii 2022-kii ayaa shan xubnood oo ku jiro Maxamed mire Mareykanka u uku daray liiska argagixisada caalamiga. Cusbooneeysiin Horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa...
Waa kuma siyaasiga reer Sweden ee u ololeynaya aqoonsiga Somaliland
WARARKA

Waa kuma siyaasiga reer Sweden ee u ololeynaya aqoonsiga Somaliland

Mid ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee dalka Sweden ayaa dardar galinaya in uu u ololeeyo sidii loo aqoonsan lahaa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland. Markus Wiechel ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X ama hore loo dhihi jiray Twitter wuxuu ku sheegay in halgan uu ugu jiro sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland. "Halgankii aan u galay dib u ictiraafka Somaliland iyo muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ay u leedahay u qiridda guushooda ayaan maqaal cusub ku soo qaatay" ayuu qoraalkiisa ku sheegay. Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Sweden doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland ayaa dood kulul ka dhex dhalisay Markus Wiechel oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna (SD) iyo wasiirka arrimaha dibadda Maria Malmer Stenergard. Wiechel...
Dheeho👀 waxyaabaha Ku cusub warka Man City v Everton”Liverpool v Leicester” Chelsea v Fulham ” Man United v Wolves +
SPORTS, WARARKA

Dheeho👀 waxyaabaha Ku cusub warka Man City v Everton”Liverpool v Leicester” Chelsea v Fulham ” Man United v Wolves +

Man City oo Barbaro 1-1ah kula gashay Kooxda Everton garoonka Etihad Stadium Manchester City oo mar soo wada guuleysatey, ayaa ku sugan dhul aan horey looga baran, iyadoo dhexda uga jirto iska horimaadyo aad u xun Kaliya hal guul ayey gaartay Kooxda Pep Guardiola 13kii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan Iyadoo gool hayaha Everton Jordan Pickford uu ku beeniyay Norwegian-ka Erling Haaland gool ku laad ay City heshay qeybtii danbe ee ciyaarta si ay u sii socoto dhibaatada Man City Barbaro ay kula gashay Everton garoonka Etihad Stadium kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa Man City ka dhigtay inay ku jirto kaalinta lixaad, iyadoo seddex dhibcood u jirta Nottingham Forest oo ku jirta kaalinta afaraad iyo 11 dhibcood ooy ka hooseyaan hogaamiyaasha Premier League e...
Xasan iyo Afwerki ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay gobolka Geeska Afrika
WARARKA

Xasan iyo Afwerki ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay gobolka Geeska Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah. Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Xasan iyo Afwerki ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Labada hogaamiye ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer uga wada hadleen ajandayaasha muhiimka ah, sida arrinta badda, gaar ahaan heshiiskii ay Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay haatan walwal ka muujineyso xuukumadda Asmara. Madax...
Itoobiya ayaa xirtay xadka dhinaca Somaliland sababo la xiriira dagaal
WARARKA

Itoobiya ayaa xirtay xadka dhinaca Somaliland sababo la xiriira dagaal

Itoobiya ayaa sheegtay in ay xirtay xadka ay la leedahay dhinaca Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland kaddib markii ay halkaas ka dhaceen dagaallo dad ku dhinteen. Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay gudaha iyo hareeraha tuulada Dawacaleey degmada Harshin. Wararka waxay sheegayaan in ay ku dhinteen dad ka badan boqol qof. Dagaalka markii hore sida la sheegay wuxu ku bilowday beelo dagaallamay balse markii ay toos u soo farogeliyeen booliska loo yaqaan Liyu oo ah ciidamo gaar ah oo ka tirsan gobolka Soomaalida ayaa keentay in ay Somaliland ka carooto. Wasaaradda amniga gudaha Somaliland ayaa shalay soo saartay qoraal ay ku eedeyneyso Liyu boolis in ay “xasuuqeen” rayid, waxayna wasaarada sheegtay in ay dowladda Itoobiya u gudbisay cabasho. Arrin...
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Eritrea
WARARKA

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asma ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey dhigiisa Asias Afawerki. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka labada dhinac, islaashiga dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda. Eritrea waxa ay ka mid tahay dalalka saaxiibka la ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay ka mid tahay dalalka lagu tababaro ciidanka qalabka sida.
Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayo horumarinta Caasimadda
WARARKA

Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayo horumarinta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib u dhiska Caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray dardargalinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada, gaar ahaan Dhismaha waddooyinka, Xal u helida maareynta biyaha roobka iyo Dib u dhiska xarumaha danta guud. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi ku jirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu jiri do...
Shir Muqdisho loogu qabtay Qurba-joogta
WARARKA

Shir Muqdisho loogu qabtay Qurba-joogta

Talaadadi shalay waxaa magaalada Muqdsho lagusoo gabagabeeyay, shirkii 4-aad ee Qurba joogta Soomaalida. Shirka ayaa looga hadlayay kaalinta hor’umarka iyo malagashiga ay qurba joogta ka qaadan karaan dhismaha dhaqaale & dowladnimo ee Soomaaliya. Waxaa ka qeybgalay xubno badan oo qurba joog ah, waxaana gunaanudkii shirka lagasoo saaray war murtiyeed.
Eritrea oo ka soo horjeesatay heshiiskii Bayaankii Ankara ee Somalia iyo Itoobiya
WARARKA

Eritrea oo ka soo horjeesatay heshiiskii Bayaankii Ankara ee Somalia iyo Itoobiya

BBC-Dowladda Eritrea ayaa walaac ka muujisay is-fahamkii dhawaan dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo xal loogu raadinayey khilaafka u dhexeya labada dal. La taliye u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa ka digay halista ay yeelan karto in Itoobiya ay saldhig ak hesho badda Cas. Cabdulqaadir Idiris oo  wasaaradda Arrimaha Dibedda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya iyo Afrika, ayaa BBC u sheegay in madmadow badan uu ku jiro heshiiska Itoobiya iyo soomaaliya ee Ankara lagu saxiixay. Waxaa uu sheegay in heshiiskii u dambeeyay ee ay la galeen dowladda Soomaaliya uu ahaa mid ay Masar Eretria iyo Somaaliya ay isku afgarteen in badda Soomaaliya la difaaco. "Heshiiskeenii u dambeeyay ee aan wada-galnay ee anaga, Masar iyo Soomaaliya wuxuu ku saab...
Dagaal dib uga qarxay  xadka Somalia iyo dowlad deegaanka
WARARKA

Dagaal dib uga qarxay xadka Somalia iyo dowlad deegaanka

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka dib uga qaxay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidanka Booliska. Dagaalka saaka ayaa ah mid aad u culus, waxuuna ka socdaa 4 jiho oo deegaanka ah, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka kasoo jeedo iyo ciidanka dowlad deegaanka oo indhowanahaan ku dagaalamayay halkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli sii socdo, wuxuuna saameeyn ku yeeshay dadka deegaanka oo haatan dareemaya culeys xoogan. Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo saaka isaga cararay Dacawaley, kadib markii ay bilaabatay xabadda. Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa cii...