Erdoğan ooy wehliyaan wasiiro ka tirsan dowladaha Somalia iyo Turkiga ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka Oruç Reis kaas oo ku soo jeeda Soomaaliya.
Markabkan sahminta (Seismic) ayaa maanta kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, wuxuuna ku degi doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhammaadka bisha Oktoobar.Safarka waxaa la filayaa inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.
Markii uu yimaado Soomaaliya, Oruç Reis wuxuu fulin doonaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar...