Author: boodhari

Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS oo ka qrybgalay shirka la dagaallanka argagixisada ee dhanka Teknoolojiyadda
WARARKA

Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS oo ka qrybgalay shirka la dagaallanka argagixisada ee dhanka Teknoolojiyadda

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay shir ku saabsan la dagaallanka Argagixisada ee dhanka Teknoolojiyadda. Shirka oo ka dhacay xarunta Isbahaysiga Militariga Islaamka ee la dagaallanka Argagixisada ee magalada Riyaad dalka Sucuudiga ayaa Soomaaliya waxaa ku matalayay u qeybsanaha Ciidanka XDS ee Isbahaysiga Militariga Islaamka ee ladagaallanka Argagixisada Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS. Shirka waxaa kale oo ka qeybgalay wadada ku bahoobay Isbahaysiga Militariga Islaamka, kaasi oo inta uu socday looga hadlay sidii Argagixisada loogala dagaalami lahaa dhanka Teknoolojiyadda casriga ah ee maanta dunida ku talaabsatay.
Rice battle heats up as India, Pakistan lift export curbs
WORLD

Rice battle heats up as India, Pakistan lift export curbs

Exporters fear a pricing war as the South Asian rivals lift restrictions on global sales of rice. The global prices for different varieties of rice dropped on Monday after India and Pakistan made tit-for-tat moves to eliminate price caps and resume rice exports. On Saturday, the Indian government lifted a ban on the export of non-Basmati white rice more than a year after it blocked overseas sales, with a larger crop yield in 2024 bolstering state warehouse reserves for domestic needs. This decision followed Pakistan’s announcement a day earlier to withdraw the minimum export price (MEP) for all rice varieties, a measure that had been in place since 2023 and set at $1,300 per metric tonne for Basmati rice, and $550 for non-Basmati rice. Pakistan’s decision was influenced by Indi...
Maxaa ugu weyn ee laga fili karaa Shirka golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka socda
WARARKA

Maxaa ugu weyn ee laga fili karaa Shirka golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka socda

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shir u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawladda federaalka. Kulanka waxaa looga arrinsanayaa, ilaa hadda inta la ogyahay, amniga, dhamaystirka hanaanka dimuqaraadiyeynta iyo iskaashiga guud ee dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka. Madaxda ka soo qayb gashay kulanka ayaa aragtiyo kala duwan ka leh qorshayaashaas, gaar ahaan arrinta doorashooyinka, wuxuuna ismaandhaafka ugu weyn dhex maray dawladda federaalka iyo maamulka koofur galbeed, gaar ahaan Cabdicasiis Lafta Gareen, arrintaasoo salka ku haysay in maamulkaas uu doorasho isagu qabsado. Ismaandhaafkaas ayaa waxaa ka ergeeyey mas’uuliyiin uu ka mid yahay taliyaha ciidanka asluubta jeneraal Mahad cabdiraxmaan oo aakhirkii ku guulaystay inuu wada hadalsiiyo Lafta gareen iyo ma...
Taliye Cusub ee Booliska Somalia oo Shir la qaatay saraakiisha ciidanka booliska
WARARKA

Taliye Cusub ee Booliska Somalia oo Shir la qaatay saraakiisha ciidanka booliska

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta guddoomiyey shirkii u horreeyay ee taliska booliska. Shirkan oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaasha hoggaanada, fadhiyada madax-banaan iyo qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-galinta shaqada ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya meel xasaasi ah. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardar-galiyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Taliye Asad Diyaano ayaa shalay si rasmi ah xilka ug...
TURKIGA oo si rasmi ah u billaabaya baarista shidaalka Soomaaliya
WARARKA

TURKIGA oo si rasmi ah u billaabaya baarista shidaalka Soomaaliya

Markab qaabilsan sahminta dhulka oo laga leeyahay Turkey ayaa la qorsheynayaa inuu xeebaha Soomaaliya soo gaaro dhammaadka October, si uu u billaabo raadinta saliid iyo gaaska dabiiciga, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqday wasaaradda tamarta Turkey. Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar. Heshiiskii bishii Maarso ayaa la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya. Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda, ayada oo intaas ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu Turkiga uga qeyb-gali doono Sabtida munaasabad lagu sagootinayo markabka Waxaan...
Mareykanka iyo dalal kale oo garab istaagay go’aan ay Soomaaliya ka gaartay ciidamada Itoobiya
WARARKA

Mareykanka iyo dalal kale oo garab istaagay go’aan ay Soomaaliya ka gaartay ciidamada Itoobiya

Magaaladan Washington waxaa todobaadkan ku sugnaa wafdi ka socday dowladda Federalka Soomaaliya oo ka qeyb galayay shir ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya. Shirkan waxaa ka qeyb galay kooxda la isku yirahdo QUINT ee Soomaaliya ka caawinaya dhinaca amaanka oo ka kooban Mareykanka, Britain, Turkey, Qatar iyo Imaaraadka Carabta. Wafdiga Soomaaliya shirka uga qeyb galay waxaa ka mid ahaa Xuseen Macalin Maxamud, oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaliya. Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in shirkaan uu yahay kii 7-aad, “waxaa na marti qaaday dowladda Mareykanka, shirarkii ka horeeyey waxaa marti geliyey Qatar, Imaaraadka iyo dalal kale, waxaana diiradda lagu saaray shirkaan amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Xuseen Macalin. Dib u habeynta ciidamada qaranka Soomaa...
Itoobiya oo hub hor leh soo gelisay Gobolka Koonfur Galbeed ee gudaha Soomaaliya
WARARKA

Itoobiya oo hub hor leh soo gelisay Gobolka Koonfur Galbeed ee gudaha Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta hub horleh gobolkaasi ay gaysay Itoobiya, kaas oo lagu keenay gaadiidka nooca xamuulka qaada oo kasoo gudbay xadka Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen illaa 4 gaari oo kasoo tallaabay dhanka xadka labada dal, isla markaana gaaray deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in hubka la geeyay xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka deegaankaas, halkaas oo illaa iyo hadda ku sugan yihiin baabuurta. Afarta gaari ee hubka lagu geeyay Bakool ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Godey, waxaana ugu dambeyn maanta lasoo geliyay gudaha Soomaaliya, iyada oo ay galbinayeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah. Lama oga ujeedka hubkan, mana jir...
Aston Villa Oo ka yaabsatay  Bayern Munich Champions League🏆 Maxaa Ku Dhacay Real Madrid?
SPORTS, WARARKA

Aston Villa Oo ka yaabsatay Bayern Munich Champions League🏆 Maxaa Ku Dhacay Real Madrid?

Lille 1-0 Real Madrid Ragga Carlo Ancelotti waxay ka eegeen fikrado weerar ah khasaare naadir ah oo Yurub ah Mararka qaar, Real Madrid waxay u badan tahay inay lumisay barbardhac cajiib ah oo Yurub ah. Habeenimadii Arbacada, ugu dambeyntii waxay dhacday, kooxda Los Blancos oo liidata ayaa 1-0 ku garaacday Lille oo cajiib ah - sixirkooda Champions League meelna lagama helin. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1841589945372176611?t=a540w_e1Pys563Z4AOjh4Q&s=19 Aston Villa 1-0 Bayern Munich Jhon Duran ayaa si cajiib ah mar kale uga soo kacay kursiga kaydka si uu Aston Villa u siiyo guul wayn oo ay ka gaadhay Bayern Munich kulan ka tirsan Champions Leaque-ga oo ka dhacay fagaaraha caanka ah ee Villa Park. Kulan ay hareereeyeen dareen qani ah oo taariikhi ah oo...
Daawo; Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho iyo Deni oo wali ka maqan
WARARKA

Daawo; Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho iyo Deni oo wali ka maqan

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO LAGGA ARRINSANAYO AMNIGA, DIMUQRAADIYADDA IYO DAGAALKA KA DHANKA ARGAGIXISADA Muqdisho, Oktoobar 2, 2024 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda ...
Saawo: R/W Xamse oo ka qeyb galay Munaasabada uu xilka kula wareegayay Taliyaha Cusub ee Booliska 
WARARKA

Saawo: R/W Xamse oo ka qeyb galay Munaasabada uu xilka kula wareegayay Taliyaha Cusub ee Booliska 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Sarreeyo Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Taliyihii hore, Sarreeyo Gaas Sulub Axmed Firin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Taliyihii hore, dadaalkiisii iyo hoggaamintiisii wanaagsanayd intii uu xilka hayay. Isaga oo kula dardaarmay taliyaha cusub in uu sii amba-qaado hawlaha muhiimka ah ee ciidamada Booliska, kana shaqeeyo horumarinta amniga iyo nabadgelyada dalka. Mudane Xamsa ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dowladnimada, isla markaana looga baahan yahay in ay ilaaliyaan waajibaadka loo igmaday, si kalsoonida ay ku qabaan bulshadu u noqoto mid sarreys...