Author: boodhari

Muxuu sidaa Markabka soo gaaray Muqdisho ee uu Turkigu u soo Diray Soomaaliya ?
WARARKA

Muxuu sidaa Markabka soo gaaray Muqdisho ee uu Turkigu u soo Diray Soomaaliya ?

Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida Shixnad Gargaar ah, kaas oo loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dantayar, waxana uu ku yimid dalab dhawaan hay’adda SoDMA u dirtay dalkaas. Markabkaan ayaa shalay ka soo shareecday dakedda Turkiga, isagoo oo ay halkaas ka soo sagootiyeen madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaha kala ah bisha cas Turkiga (Kızılay ) iyo Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Turkiga ee (AFAD Mucaawinadan ayaa loogu talagalay in lagu taageero looguna hortago abaarta la saadaalinayo in ay dalka ka dhacdo ee LaNina oo ay dhawaan Hay’adda SoDMA ku dhawaaqday.
Daawo : Madaxweyne Xasan Sheekh oo bixiyey wareysi uu Siiyay Aljazeera kaga hadlay gardarada Itoobiya iyo qorshaha Masar
WARARKA

Daawo : Madaxweyne Xasan Sheekh oo bixiyey wareysi uu Siiyay Aljazeera kaga hadlay gardarada Itoobiya iyo qorshaha Masar

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi dheer siiyey Telefishinka Aljazeera, ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya Madaxweyne Xasan ayaa ku dheeraaday damaca Itoobiyaanka uga j犀利士 ira badda Soomaaliya iyo mowqifka Soomaalida, hubka ay Itoobiya soo gelineyso gudaha Soomaaliya iyo heshiiska difaaca ee Masar, waxaana soo tartumnay khudbadda qeybtii uu Madaxweynuhu kaga hadlay xiisadda iyo qalaalaasaha ay Itoobiya ka abuureyso Gobolka.
Qoor Qoor oo soo gaaray Muqdisho iyadoo ay jirto Diyaargaroowga shirka golaha wadatashiga qaran
WARARKA

Qoor Qoor oo soo gaaray Muqdisho iyadoo ay jirto Diyaargaroowga shirka golaha wadatashiga qaran

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka yimid Dhuusamareeb, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeybgalo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta inta uusan ka soo bixin Dhuusamareeb kormeeray halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha Galmudug ayaa warbixin ka dhageystay khubarrada iyo maamulka shirkadda dhismaha garoonka Dhuusamnareeb gacanta ku haysa. Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu qadaa inay soo gaaraan Muqdisho, sida Qoor Qoor, si shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga qeyb galaan Shirkaas ayaa lagu qadaa in wixii ka dambeeya labada bisha uu ka furmo Muqdisho, sida xubno xog ogaal ah ay Caasimada Online u sheegeen, waxaana madaxda lagu qanciyey inay ...
Saaxada Loolanka Ma Noqon Doonto Somalia oo kaliya !!
Politics, WARARKA

Saaxada Loolanka Ma Noqon Doonto Somalia oo kaliya !!

Walaaca Itoobiya & Welwelka Somalia Itoobiya waxay ka walaacsan tahay Ciidamada Masar, Somaliana welwelkeedu waa ku xadgudubka Midnimadeeda dhuleed. Xiisada u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku shareeray Iyadoo faa,iidada marin dakadeed oo Itoobiya ay raadineyso inay ka hesho Badda Cas uu ku gadaaman yahay halista Isbadel Joqoraafiyadeed oo ka dhaca geeska Afrika sida ay qortay jariirada Adisstandard. Falanqeeyaal indhaha ku haya xaaladaha Geeska Africa ayaa qaarkood muujiyay inay rumeysan yihiin in labada dal ee Somalia Itoobiya oo duruufo isku mid ah uu ka heysto gudaha ay u nugulyigiin in khilaafkoodu uu gaaro Iskahorimaad Milatari, iyaga oo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta arintaas Itoobiya way sii kala daadaneysaa Somaliana Iskuma duubna Iyadoo Xasarad kasta o...
Coastal communities face ‘catastrophic flooding’ from rising sea levels
WORLD

Coastal communities face ‘catastrophic flooding’ from rising sea levels

Global mean sea levels have risen faster in the 20th century than in any prior century over the past 3,000 years. Surging sea levels are creating “a rising tide of misery” that threaten the future of nearly a billion people that live in low-lying coastal areas, the UN chief has warned, as they become increasingly vulnerable to storm surges, coastal erosion and flooding. Since the beginning of the 20th century, the global mean sea level has risen faster than in any prior century over at least the past 3,000 years NASA says that as global temperatures have risen about one degree Celsius (1.8F), sea levels have gone up 160 to 210 millimeters (six to eight inches) with about half of that amount occurring since 1993. “Rising seas mean a rising tide of misery,” said Antonio Guterres,...
Cabdulfataax Al-siisi oo war culus kasoo saaray iskaashiga Masar iyo Soomaaliya
WARARKA

Cabdulfataax Al-siisi oo war culus kasoo saaray iskaashiga Masar iyo Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo Axaddii shalay ka hadlayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo dhammeysay akadeemiyada Booliska ayaa soo hadal qaaday iskaaashiga cusub ee kala dhexeeya Soomaaliya, Cabdulfataax Al-siisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u taageerayaan sidii ay uga bixi lahayd xasilooni darrada haysata muddada 30 sano ah. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in qorshaha Masar uu yahay in Soomaaliya kula loolanto Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile. “Soomaaliya kuma taageereyno Itoobiya darteed, waxanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yiri madaxweyne Al-siisi. Masar ayaa hadda sii xoojineysa saameynteeda gudaha Soomaaliya, waxaana dhowaan ay dow...
Xildhibaan Abiib oo xabsiga laga sii daayay 30 Casho Ka Dib
WARARKA

Xildhibaan Abiib oo xabsiga laga sii daayay 30 Casho Ka Dib

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa goordhoweyd laga sii daayay xabsiga Mandheera, oo uu ku xirnaa toddobaadyadii u dambeeyay. Sii deynta xildhibaan Abiib ayaa timid saacado kadib markii maxkamadda sare ee Somaliland ay amartay in xabsiga laga sii daayo. Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa shaeci darro ku tilmaamtay xabsi ku haynta xildhibaan Maxamed Abiib, maadaama golaha wakiilada ay dhawaan cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa. “Maxkamadda waxay xoriyaddiisa u celisay Mudane Maxamed Abiib Yuusuf, waxaana la farayaa taliyaha ciidanka asluubta inuu xabsiga kasii daayo maanta oo ay taariikhdu tahay 30/09/2024,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee lagu sii daayey goordhoweyd xildhibaanka. Maxkamadda sare ayaa sidoo kale waxay fartay hay’adaha k...
Yaa Dili-Rabay Sheekh Soomow Oo Galabta ka badbaaday Qarax loo Dhigay ?
WARARKA

Yaa Dili-Rabay Sheekh Soomow Oo Galabta ka badbaaday Qarax loo Dhigay ?

Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa galabta ka badbaaday isku day dil, kadib markii loo dhigay Qarax Miino, balse fashilmay oo aan qarxin. Sheekh Soomow ayaa u socday guriga Hooyadiis oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, waxaana jidka loo dhigay Miino nooca soo boodada ah, balse Allaah ayaa fashiliyey. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa faniinay taleefan yar oo miinada laga qarxiyo, sidaas ayuu ku fashilmay qaraxii. Ilo wareedyo ka ag dhow Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu Shiiqu watay uu ahaa gaari nooca aysan xabaddu karin oo Buruuf ah. Sheekh Soomow iyo ilaaladiisa oo bad-qaba ayaa ka gudbay goobtii uu qaraxu yaallay, waxaana halkaas ku baxay ciidamada ammaanka ee degmada Yaaqshiid. Shaki badan ayaa jira, waxaana kala shakigaan uu saamee...
Daawo” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo maanta daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.
WARARKA

Daawo” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo maanta daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed. Shirkan oo sanadle ah ayaa diiradda lagu saaraya maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta canshuuraha, ilaalinta shuruucda dalka iyo xoojinta dowladnimada, si loo helo nabad-galyo waarta oo horseedda horumar ganacsi iyo maalgashi caalami ah. Dowladnimo waa qawaanin iyo dhaqan-gelinta sharciyada, si taas loo helo waa inaad bixisaan canshuurta, dowladdu ma shaqeyn karto canshuur la’aan, bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta...
Itoobiya oo difaacday is af-garadkii ay Somaliland la gashay iyo Masar oo mar kale Soomaaliya u muujisay garab istaag
WARARKA

Itoobiya oo difaacday is af-garadkii ay Somaliland la gashay iyo Masar oo mar kale Soomaaliya u muujisay garab istaag

Itoobiya ayaa difaacday heshiiskii is af-garadka ahaa ee ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, horraantii sanadkaan. Wasiirka arrimha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo dhawaan khubad ka jeediyay shirka Qaramada Midoobey ee New York lagu qabtay ayaa sheegay in is af-garadkaas uu salka ku hayo hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya u yaalla marka heshisi la galayo. Wasiir Taye waxaa kaoo oo uu kulanka Qaramada Midoobey ka sheegay in ujeedda heshiiska ay tahay kobcinta horumarka gobolka. Wuxuu intaa raaciyay in heshiisyo is af-garadkaas la mid ah ay dhawaan la galeen dowlado kale. Wuxuu meesha ka saaray in aysan jirin sabab dowladda federaalka Soomaaliya ay u huriso colaad, iyadoo sida uu hadalka u dhigay ka weecinaysa xiisadaha siyaasadee...