Waa kuma Jeneraal Asad Diyaano, ninkii labada jeer la tartamay Deni ee loo magacaabay Taliyaha Booliiska Soomaaliya?
Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Shrika wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo horey u soo hoggaaminayey ciidamada gaarka ah ee Puntand ee PSF.
Qoraalka la soo dhigay barta Facebook ee xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha ee ay wasiiradu ansixiyeen uu yahay sarkaan aqoon iyo khibrad u leh ciidamada
Jeneraal Sulub Axmed Firin, oo sanad iyo dheeraad hayey xilkaas taliyaha ciidanaka Booliska ay...