Author: boodhari

Dowladda Masar oo war ka soo saartay hubkii gaaray Muqdisho iyo Itoobiya oo ka hadashay qorshaha socda
WARARKA

Dowladda Masar oo war ka soo saartay hubkii gaaray Muqdisho iyo Itoobiya oo ka hadashay qorshaha socda

Dowladda Masar ayaa xaqiijisay inay shixnado hub ah ay u dirtay Soomaaliya iyadoo ay jirto xiisad gobolka ka taagan oo ka dhalatay heshiiska muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland. Warka ku saabsan in hubkan uu soo gaaray Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay qoraal uu soo saaray Ambassador Tamim Khallaf, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Masar. “Iyada oo laga duulayo qaabka ay Masar u taageereyso dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida, la dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, shixnad mucaawino ah oo ay Masar ugu deeqday ciidanka Soomaaliya ayaa soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. ujeeddade...
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
WARARKA

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka kulankooda waxa ay uga wada hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.
Itoobiya oo ka hadashay hubka ay Masar gaysay Soomaaliya
WARARKA

Itoobiya oo ka hadashay hubka ay Masar gaysay Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka digay in hubka la geeyey Soomaaliya uu kasii dari karo colaadda, loona weecin karo argagixisada, sida ay maanta ku warrantay wakaaladda wararka ee Itoobiya. Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii markab laga leeyahay dalka Masar uu hub culus ka soo dejiyay Muqdisho, taasi oo aheyd shixnaddii labaad oo hub ah muddo bil gudaheed, kaddib heshiis amni oo ay Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen August. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in saadka rasaasta ay bixinayaan “xoggagga shisheeye uu sii xumeyn doono ammaanka jilicsan, kuna dhammaan doono gacanta argagixisada Soomaaliya,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Itoobiya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa xaqiijisay ke...
SSC-Khaatumo iyo Puntland oo ay ka dhex tafatay iyo SSC oo soo saartay digniin
WARARKA

SSC-Khaatumo iyo Puntland oo ay ka dhex tafatay iyo SSC oo soo saartay digniin

Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa si adag uga horyimid tallaabo uu qaaday maamulka Puntland, taas oo ka careysiisay SSC Xiisadda ka dhex qaraxday labada dhinac ayaa salka ku haysa deegaano ay isku haystaan labada dhinac, kaas oo SSC-Khaatumo ay sheegtay inay ka taliso, oo ay kusoo gardarootay Puntland. Wasiirka wasaaradda warfaafinta SSC-Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ku kacay tallaabo uu ku tilmaamay xad-gudub iyo meel ka dhac, taas oo ay ku sheegatay qeybo kamid ah maamulkooda, sida uu sheegay. Waa wax aan sinaba loo aqbali karin in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka dowladda SSC-Khaatumo qaar ka mid ah waa xad-gudub iyo meel ka dhac, waana uga digeynaa maamulka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Najiib Barkhadle. Si...
Somalia, Masar Iyo Ereterea Ayaa Ka Shiray Qorshahooda Xiisadda kala Dhaxaysa Itoobiya
WARARKA

Somalia, Masar Iyo Ereterea Ayaa Ka Shiray Qorshahooda Xiisadda kala Dhaxaysa Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh. Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Saddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea. Dalalkaan 3-da ah ayaa cadowgooda koowaad ee dunida u arka Itoobiya, waxayna sameysteen xulufo aan weli xoogeysan, balse waxaa jira dano badan oo ay iska dhex arkayaan. Masar iyo Eritrea waxay go’aansadeen inay cudud military ku garab istaagaan dowladda Soomaaliy...
Rhino numbers tick higher, but poachers lurk amid high demand for horns
WORLD

Rhino numbers tick higher, but poachers lurk amid high demand for horns

Rhinoceros numbers across the world increased slightly in 2023, but so too did the number of animals killed by poachers, according to a new report. Thanks to preservation efforts, the white rhino population increased by 1,522 to 17,464 in 2023, an annual report by the International Rhino Foundation said as it marked World Rhino Day on Sunday. However, the number of black and greater one-horned rhinos stayed the same, it added That left the global rhino population of the five subspecies at about 28,000, which stood at 500,000 at the beginning of the 20th century. In Africa, one rhino was killed every 15 hours last year as demand for the animal’s horn remains high, the State of the Rhino report says. A total of 586 rhinos were killed across the continent, most of them in South Af...
Daawo Madaxweyne Xasan oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safaaradahaa Lix dal
WARARKA

Daawo Madaxweyne Xasan oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safaaradahaa Lix dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal, kuwaas oo Soomaaliya ay u soo magacaabeen dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia. 1. Nounke Kaba, Safiirka Jamhuuriyadda Guinea 2. Caitríona Ingoldsby, Safiirka Ireland 3. Julia Pataki, Safiirka Romania 4. Cristina Díaz Fernández-Gil, Safiirka Boqortooyada Spain 5. Mirko Giulietti, Safiirka Switzerland 壯陽藥 - wp:paragraph --> 6. Rose Sakala, Safiirka Jamhuuriyadda Zambia. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Safiirada cusub ku soo dhoweeyay Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka ay metalaan, isaga o...
Hormuud Salaam Foundation oo kaafala qaaday ardey deeq waxbarasho ka helay dalka Ingiriiska
WARARKA

Hormuud Salaam Foundation oo kaafala qaaday ardey deeq waxbarasho ka helay dalka Ingiriiska

Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan iyo masuuliyiin kale oo ka socda Hay’adda ayaa ka qeybgalay munaasabad sagootin iyo soo dhoweyn isugu jirtay oo ay safaaradda Ingiriisku ee Soomaaliya u sameysay ardaydii ku guuleysatay deeqda waxbarashada ee Chevening Scholarship. Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa kafaalaqaadday qaar ka mid ah ardayda wax ku barata deeqda waxbarashada ee Chevening ee aay bixiso dowlada Ingiriiska. Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation oo kalimad ka jeediyay munaasabadda ayaa u hambalyeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee sanadkaan ku guuleysatay deeqda Chevening ee fursadda u helay in ay wax ku soo bartaan jaamacadaha dalka Ingiriiska, waxa uuna kula dardaarmay in ay dadaalaan oo ay ka miradhaliyaan fursaddan dahabiga ah. Guddoomiy...
Daawo: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay qoys lagu helay maalgelinta Al-Shabaab
WARARKA

Daawo: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay qoys lagu helay maalgelinta Al-Shabaab

Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen kooxda Al-Shabaab kadib markii lagu helay cadeeymo muujinaya dhaqaalo ugu aruurinayeen akoono ay u sameeyeen argagixisada Xasan Cusmaan Aadan ayaa lagu xukumay 13 sanno oo xarig ah iyo 20 kun oo dollar. Faadumo Xasan Cusmaan, Aamina Abdullahi Abanuur iyo Xasana Aweys Khaasim ayaa lagu xukumay min laba sanno oo xarig ah. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa ku dhawaaqay xukunka, kaas oo warbaahinta la wadaagay go’aanka maxkamadda https://youtu.be/6m3oVKs-cbI?si=k5APlfi5r2AjELIz
Danjire Yusuf Garaad oo qaaday talaabo uu ugu caqli celiyo WAARE kadib hadalkii kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Hirshabelle
WARARKA

Danjire Yusuf Garaad oo qaaday talaabo uu ugu caqli celiyo WAARE kadib hadalkii kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Hirshabelle

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynihii hore ee HirShabelle, haatana ah xoghaye ku-xigeenka IGAD Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu ahaa mid uu ku deg-degay. Yuusuf Garaad oo soo saaray qoraal u muuqday mid uu ugu caqli celinayo Waare, ayaa waxa uu kula taliyay xoghaye ku-xigeenka IGAD inuu ka gaabsado siyaasadaha is-diidan ee dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD. “Waarow ka gaabso. Ra’yi iyo mowqif siyaasadeed oo aan Golaha Wasiirrada IGAD go’aan ka soo saarin ee isaga u gaar ah, ma aha in uu fagaare la yimaado inta uu xilka IGAD hayo,” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Waxa uu intaas kusii daray “Waa ay adag tahay mas’uul siyaasadda ka gaaray heer Madaxweyne Goboleed, caadana ka dhigtay faaqidaadda siyaasa...