Author: boodhari

Howlgal lagu soo qabtay xubno katirsan khawaarijta oo laga sameeyay gobolka Hiiraan
WARARKA

Howlgal lagu soo qabtay xubno katirsan khawaarijta oo laga sameeyay gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Hay,adda Nabada sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa xalay howlgallo waxa ay ka sameeyeen xaafaadaha ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne ee gobalka Howlgalka oo ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga magaalada ayay ciidanku kusoo qabteen Xubna ka titirsan khawaarijta oo ku dhuumaleysanayay xafadaha qaar ee magaalad Beledweyne,iyadoo wali ciiamada ay halkaa ka wadaan howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta iyo kooxaha falalka amni darri ka sameeyay xafadaha magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan
Wasiirkii Batroolka oo shaaciyey in qadiyad ku saabsan HirShabelle maanta xilka looga qaaday
WARARKA

Wasiirkii Batroolka oo shaaciyey in qadiyad ku saabsan HirShabelle maanta xilka looga qaaday

Wasiirkii Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta xilkii laga qaaday ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimo uu sheegay inay sababeen xil-ka qaadistiisa, kuwaas oo dhamaantood salka ku haya masiirka HirShabeelle iyo qadiyadda Hiiraan. Wasiir hore Cabdirisaaq Cumar ayaa sababta xilka looga qaaday ku soo koobay kala aragti duwanaasho soo kala dhex gashay isaga iyo Xasan Sheekh, taasi oo ku saabsan tabashada reer Hiiraan, gaar ahaan beeshiisa Xawaadle ay ka qabaan awood qeybsiga maamulka HirShabeelle. Cabdirisaaq iyo Xasan Sheekh ayaa muddo dheer soo ahaa saaxiibo siyaasadeed oo aad isugu dhow, sidoo kale waxaa la sheegay in Cabdirisaaq uu Abti dhow u yahay Xasan Sheekh, markii ay maanta dhacday xilka qaadistaan, waxaa soo yeeray war sheegaya inay isku qabteen la...
Sanad kadib maxay la kulmeen ganacsatada Muqdisho ee lagu amray in ay xirtaan Kaamiradaha CCTV?
WARARKA

Sanad kadib maxay la kulmeen ganacsatada Muqdisho ee lagu amray in ay xirtaan Kaamiradaha CCTV?

Ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ku sugan xaalad cakiran. Dowladda ayaa ku amartay in bannaanka ganacsiyadooda ay ku xiraan kamaradaha ammaanka (CCTV). Kaamirada amniga ayaa baahideeda loo sababeeyay si loola socdo dhaq-dhaqaaqa falalka amni darro ee ka dhaca caasimadda. Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada ayaa sheegay in ay ka baqayaan in haddii ay ku xiraan kaamirooyinka ay beegsadaan oo ay dilaan Al-Shabaab. Haddii aysan xarumohooda ku xirin kamaradaha amniga, booliiska ayaa xiri doona. "Shaqadaydii waan isaga tagay oo waxaan aaday guriga sababtoo ah kamaradaha ammaanka," ayuu yiri Xamze Nuur oo 48 jir ah (magaca ayaa la beddelay sabab amni). Wuxuu fadhiyaa fadhiga, isagoo isku la ciyaaraya mid ka mid ah carruurtiisa. Dukaankiisii ...
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo soo Dhaweeyay  Bayaankii Ankara
WARARKA

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo soo Dhaweeyay Bayaankii Ankara

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo hal maalin qaadatay oo uu ku tagay dalka Itoobiya. Markii uu Macron gaaray dalka Itoobiya, waxaa soo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxaa la sheegay in Ra'iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Macron ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo arrimaha gobolka. Labada hogaamiye ayaa shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Sabtidii shalay ku sheegay in Macron uu taageerayo dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay dalalka dariska la ah uga heli lahayd marin badeed, iyada oo loo marayo wadahadal iyo shuruucda caalamiga ah. Macron ayaa bogaadiyay heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ay horraantii bishaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheek...
Dheeho Kulamada Super Sunday ooy ku jiraan Liverpool Iyo Tottenham Man United” Real Madrid +
SPORTS, WARARKA

Dheeho Kulamada Super Sunday ooy ku jiraan Liverpool Iyo Tottenham Man United” Real Madrid +

Liverpool oo afar dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka Premier Leaque-ga ayaa seef ku xasuuqday Tottenham Hotspur. Qalabka wadnaha ee Arne Slot ayaa ahaa kuwa aan la adkeysan karin sababtoo ah daciifnimo kasta oo ka tirsan kooxda Spurs ee dhaawaca soo gaartay ayaa si naxariis darro ah loo soo bandhigay. Liverpool ayaa mar hore heshay fursado dhowr ah ka hor inta uusan Luis Diaz madax ku dhalin karoos fiican oo uu soo karoosay Trent Alexander-Arnold 23 daqiiqo ka dib, Alexis Mac Allister ayaa laba jibaaray hogaanka ciyaarta isagoo madax kale dhaliyay 13 daqiiqo ka dib. James Maddison ayaa Spurs siiyay rajo ah soo laabasho aan macquul aheyn markii uu goolkiisii ​​sideedaad ee xilli ciyaareedka afar daqiiqo ka hor qeybta hore ee nasashada u dhaliyay, lakiin qeybtii hore ee c...
DEG DEG: Xamza oo magacaabis iyo isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada
WARARKA

DEG DEG: Xamza oo magacaabis iyo isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo goordhoweyd magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada xukuumaddiisa ayaa General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) u magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada isaga Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, geeyay wasaaraddii uu ka qaaday Bashiir goobe ee haweenka arimaha qoyska iyo xaquuqul insaanka Hambalyo General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Daahir Shire Maxamed loogu magacaabay wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Daahir Shire ayaa waxaa lagu beddelay Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa xubnaha gacanta midig ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna ninkii haayay galka shidaal baarista. ...
Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidanka (EASF
WARARKA

Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidanka (EASF

Soomaaliya ayaa Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (EASF) oo isugu jira militari, boolis iyo qaybo rayid ah. Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha...
Daawo: Siciid Deni oo shaaciyey in Puntland ay Sameesaneyso Lacag U Gaar Ah
WARARKA

Daawo: Siciid Deni oo shaaciyey in Puntland ay Sameesaneyso Lacag U Gaar Ah

Nadaxweynaha Maamulgoboleedka Putland Siciid Deni ayaa sheegay in Puntland ay bilowday daraasad ku saabsan in ay sameysato lacag iyada u gaar ah. “Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka gaabisay sameynta lacag cusub, balse ay hadda iyagu tashan doonaan, haddii aan la helin lacag cusub oo uu yeesho dalka. Puntland ayaa horay u qaadatay go’aanno ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay in dhowaan ay ku dhowaaqday in xiriirkii u jartay dowladda dhexe, ayna ...
Could mosquitoes deliver vaccines against malaria?
WORLD

Could mosquitoes deliver vaccines against malaria?

Scientists have engineered the pests to provide enhanced immunity to the disease they transmit, according to a new study Mosquitoes are usually associated with serious diseases, such as malaria, dengue fever and yellow fever. However, researchers from Leiden University Medical Center (LUMC) and Radboud University in the Netherlands may have found a valuable new role for the insects: as vaccine distributors. Their scientists say they have successfully engineered mosquitoes to deliver vaccines that could potentially provide significantly enhanced immunity against malaria The World Health Organization’s most recent World Malaria Report revealed that an estimated 597,000 people died of malaria globally in 2023 with African countries bearing the brunt of the death toll – accounting for...
Daawo :Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay xuska sanad guurada 81-aad ee aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
WARARKA

Daawo :Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay xuska sanad guurada 81-aad ee aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku ammaanan shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka u hayaan, waxaa hortaala mas’uuliyad cusub oo ku aaddan sugidda amniga goobaha do...