Ruushka oo ka cafiyay Soomaaliya ku dhawaad $50 milyan
Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay ka cafisay Soomaaliya lacag deyn ah oo ay ku lahayd muddo 40 sano ah, xili dalka uu ku jiro marxlad dib usoo kabasho ah dhinaca dhaqaalaha, amniga iyo dowlad-dhiska, oo beesha caalamka ay taageero ku siinayso Dowlada Federaalka.
Lacagta oo gaareysa 48 milyan oo dollar ayaa Soomaaliya waxay ka qaadatey dowladdii Midowga Suufiyeetiga ee ka talin jirtay Ruushka 1984, waxaana tan iyo xiligaas ku socday lacago dul-saar ah oo gaarsiisay heerka maanta joogo ee la cafiyay.