11- December-2023
Khilaafkaa ugu xumaa oo ka dhex qaraxy Madaxweynaha Puntland iyo ku Xigeenkiisa Axmed Karaash
Xilli xaalad is mari -waa ah ay ka taagantahay arrimaha doorashada Puntland isla markaana baarlamaanka kulankoodii maanta uu buuq hareeyay ayaa qoraal uu bartiisa Faceboog ku baahiyay gor dhaweed madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) waxaa uu ku tilmaamay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inuu caadeystay keligi talisnimo iyo awood marooqsi.
Qoraalka la soo dhigay barta Faceboogga ayaa sidaan u dhignaa:”Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil,”.
Axmed Karaash ayaa intaa ku daray in wixii dhibaato ah oo ka dhasha tillaabooyinka uu qaadayo madaxweynuhu uu dusha u ridan doono mas’uuliyadeeda.
“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa lagu yiri qoraalka barta Faceboog lagu baahiyay
“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan 壯陽藥 ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho.” Ayuu hadalkiisa kusoo xiray.
Si kastaba, Buuq, Sawaxan iyo aragtiyo is diidan ayaa hareeyey fadhiga baarlamaanka Puntland, guddoonka ayaa doonaya in la buriyo go’aankii Maxkamadda Sare, ee ay shalay ku fasirtay in Mudo kororsigii goluhu sameysteen uusan sharciyad haysan.
Maxkamadda Dastuuriga ah oo burisay Go’aankii muddo kororsiga Baarlamaanka
Maxkamada Dastuuriga ah ee dowlad Goboleedka Puntland oo burisay Go’aankii maalmo kahor Golaha wakiillada Maamulkaasi Puntland ay muddo kordhinta halka sanno aheyd ugu sameysteen.
Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayay ku laashay mudda kororsiga Baarlamanku samaystay, sida aan ka xaqiijinay xubno sare oo ka tirsan maxkamadda.
Maxkamada Dastuuriga ah ayaa sheegtay in si toos ah loo aado doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada, inkastoo aysan Maxkamaddu sheegin inay kala dirin Baarlamanka Maamulkaasi.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa maxkamadda sare u jeediyay codsi ku aaddan in lakala diro baarlamaanka Puntland, kuwaas oo maalmo ka hor muddo kororsi sannad ah sameystay.