Axmed Karaash ooy sii xoogeeysaneeyso khilaafka Isaga iyo Dani ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee G/Mudug

26″ April “2022”Gaalkacyo

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta gaaray Magaalada Waqooyiga Magaalada Gaalkcyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wafdi la socday waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada, saraakiisha Ciidamada iyo shacabka ku dhaqan magaalada qaarkoood.

Safarka Axmed Karaash uu ku tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa salka ku hayo sida warar ay sheegayaan  baaritaanka weerarkii lagu qaaday Hoyga uu magaaladaas ka degan yahay Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo uu markaas ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in Madaxweyne ku-xigeenka uu halkaas kulan kula qaato Guddiga uu dhawaa壯陽藥 n u Magacaabay baaritaanka weerarka lagu qaaday Guriga Nabadoon Yaasiin Cabdisamad kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo Axmed Karaash waxaa sidoo kale la filayaa in uu halkaas ugu qeyb galo munaasabad uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug qeybta Puntland kaas oo bedelaya Guddoomiyihii hore oo uu xil ka qaadista ku sameeyay Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) kaas oo ab Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS.