11″ March 2021
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dawoladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi.
Madaxweynahu wuxuu tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waday dadaal la xiriira arimaha Doorashada, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada ay qusayso taas oo gogol xaar u ah shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho.
Horay Axmed Maxamed Madoobe ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto, waxaana ay ka wada hadleen

Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Mareykanka oo ku kulmay Muqdisho

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa horay ula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah Xubnaha sare ee Midowga Muaharixiinta, waxaana kulamadaas intooda badan looga hadlay khilaafka kajira Arrimaha doorashooyinka. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada, kaas oo la filayo in uu ka furmo Teendhada Afisooni ee Magaalada Muqdisho.
