Axmed Madoobe , Laftagareen Iyo Qoor Qoor oo Muqdisho u jooga ka Qaybgalka shirka Sabtida ee Arimaha Doorashada

20″ May”2021″ Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Soo dhaweynta Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qayb qaatay Mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ka qaybgalayaa shirka Wadatashiga ee la filayo in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay soo dhoweyntiisa ayuu rajo ka muujiyay in shirka ka furmaya Muqdisho laga gaaro heshiis ku saabsan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa soo gaaray magaalada caasimada ee Muqdisho, isaga oo ka qeyb galaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Shirkan oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa la sheegayaa inuu Sabtida u dhacay, arrimo farsamo awgeed iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ee ka qeyb galaya oo aan weli soo wada dhameystirmin, lana filayo kuwa dhiman in maanta illaa berri soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa xalay gaaray magaalada Muqdisho. Saacadaha soo socdana waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha, Jubbaland, Puntland iyo Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaaladda Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dalwadda.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo inuu berri ka furmo caasimadda.

Qoorqoor ayaa horay waxaa uu u tagay degaanno dhowr ah oo ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana uu siyaabo kala duwan kulamo gaar gaar ah ula yeeshay Bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Leave a Reply