Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada FIET oo gaaray Ceelwaaq iyo Farmaajo oo wareegto ka soo saaray Doorashooyinka Ceelwaaq

22″ April” 2022″ Ceelwaaq

壯陽藥 -339.png” alt=”” class=”wp-image-54730″/>

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaarey magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira sidii uu goobjoog uga noqon lahaa doorashada 16 kursi ee Golaha Shacabka, taasi oo maanta ka billaabatay magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ceelwaaq ayaa waxaa ku sii qulqulaya Ergada iyo Musharixiinta ka qeyb galeysa Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee loo wareejiyay magaaladaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada FIET iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Ceelwaaq

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FIET, Muuse Geelle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Wefdigaan ayaa u tagay Ceelwaaq Doorashada 16 ka kursi ee ka tirsan Golaha Shacabka, taasi oo la filayo in saacadaha soo socoto ay ka billaabato.Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isaguna ku wajahan Ceelwaaq, si uu goobjoog uga noqdo Doorashada 16 kursi ee ka tirsan Golaha Shacabka.Ammaanka magaalada Ceelwaaq ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo ay halkaasi ku sii qulqulayaan Ergada iyo Musharaxiinta u tartameysa 16 kursi.

Farmaajo oo wareegto ka soo saaray Doorashooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey

Farmaajo oo wareegto soo saaray ayaa sheegay in Doorashooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq ay baalmarsan yihiin heshiiskii Doorashada, isaga oo ku tilmaamay Sharci darro.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinkan ay yihiin kuwo isbarbar socda, isla markaasna cidii ku soo baxda aaney noqoneyn Xildhibaan rasmi ah.

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.” ayaa lagu yiri Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Farmaajo.

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey