5 ″ July ” 2021″ Kismayo
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta oo Isniin ah shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Jubbaland oo todobaadkiiba mar la qabto.
Shirkaan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa looga hadlay xaaladahii u danbeeyay ee dhinaca amniga deegaanada Maamulka iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhexeeysa laamaha amniga
Inta uu socday Shirka Golaha amniga ayaa looga arrinsaday sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Arrimo kale.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa warbixino kala duwan ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Maamulka iyo kuwa AMISOM ee kulanka ka qeyb galay, iyagoona ka warbixiyay amniga deegaanada Maamulka.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Booliska, Nabadsugida, kuwa Xoogga dalka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose.