Axmed Madoobe oo Isbedel Ku Sameeyay Taliska Hay’addaha Amniga Jubbaland

17″ April “2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta xilka qaadis ku sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Hay’adaha amniga Maamulka Jubbaland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Jubbaland, ku-xigeenkiisa iyo Taliyaha guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Maamulkaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Taliyaha guud Ciidanka Booliska u magacaabay G/S Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku-xigeenkiisa laga dhigay S/G Maxamed Guuleed Xasan, iyagoona bedelaya Taliyeyaashii hore ee xilalkaas haayay

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, waxaana dhammaan Ciidamada la faray inay la shaqeeyaan Taliyeyaasha cusub ee la magacaabay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ayaa ka hadlay muddo kordhintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday Farmaajo.

Madaxweyne Axmed Mdoobe ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin sharci Xildhibaanada waqtigoodu dhammaaday u ogolaanaya inay muddo kordhin laba sanno ah u sameeyaan hay’addaha dowladda, uuna go’aankaas yahay mid sharci darro ah.

Waxaa uu sheegay in xiligii la ansixinayay heshiiskii 17-kii Sep lagu gaaray Muqdisho ay si wadajir ah u ansixieen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, wuuxuna sheegay in Golaha Shacabka uusan awood u laheyn inuu Go’aan ka gaaro dalka.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo  ku eedeeyay in dalka Soomaaliya uu kusii ridayo God madow, ayna tahay in la iska qabto, hayeeshee haddii arrintaas ay dhici weydo uu dib u noqonayo dalka.

”Madaxweynaha xiligiisu dhammaaday haddii aan maanta laiska qaban wadankaan dib ayuu noqonayaa meel kale ayuu tagayaa, maanta waxaad ogtihiin in reer Muqdisho ay cabsi ku jiraan”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlaayay Munaasabad xalay lagu qabtay Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Mdaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka kuool Caasimadda dalka ee Muqdisho ay heystaan dhibaatooyin badan oo ay ku jiraan cabsi badan, isagoona uga mahadceliyay shacabka dul-qaadka ay muujinayaan, iyagoona og wixii lasoo maray.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Carabka ku dhuftay in Farmaajo uusan rabin in dalka ay ka dhacdo doorasho xor, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha uu u muuqdo oo kaliya kursiga uu ku fadhiyo oo markii hore ku yimid doorasho xor ah.

Leave a Reply