Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii qaraxa ku bilowday ee shalay lagu qaaday hutelka Elite ee ku yaala degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Jubbaland ayaa tacsi loogu diray ehelladii iyo qaraabadii ay ka bexeen dadkii ku geeriyooday mashaqada ka dhacday weerarkan argagixiso.
Madaxwayne Axmad Maxamad Islaam ayaa Alle uga baryay in uu janadda ka waraabiyo dadkii shacabka iyo mas’uuliyiinta isugu jiray ee ku geeriyooday weerarkan isaga oo kuwa ku dhaawacmay caafimaad taam ah u rajeeyay.
Inta la ogyahay 17 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka ku dhowaad 30 kalena kalana ay ku dhaawacantay, waxaase loo maleynayaa in khasaaraha uu intaasi ka badan karo.
Masuuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegtay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Qoraal ka soo baxay ayay ku sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa hotelkasi, oo uu leeyahay Xildhibaan Cabdullaahi Macalin Nuur, oo xubin ka ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee sanadkan lagu qaado hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho, kaasoo ku yimid habacsanaanta amni ee labadii bilood ee ugu dambeysay laga dareemayo magaalada oo dhan