10″ March “2022” Kismaayo
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda ayaa waxaa looga hadlay doorashada Golaha Shacabka.
Madaxweynahu ayaa gola壯陽藥 ha warbixin ka siiyay doorashooyinka ka socda guud ahaan dalka iyo si gaar ah Jubbaland, isagoo sheegay inay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii loo soo dhameeystiri lahaa kuraasta ku dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
Waxaa toddobaadkan cirka isku sii shareertay xiisada kuraasta taalla Garbahaarey, ayada oo maamulka degmadaas ee hoostaga Villa Somalia ay diideen inay halkaas tagaan guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil saaray qiimeynta xaalada Garbahaarey.
Mas’uuliyiinta ugu sareeysa maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo Isniintii shir jaraa’id qabtay ayaa shirkadaha diyaaradaha uga digay inay soo qaadan guddigaas, oo ay sheegen in uu yahay guddi lagu dhisay sharci darro.
Hase yeeshe, Axmed Madoobe ayaa shirkii maanta ee Golaha Wasiiradda uga muujiyay rejo wanaag lagu soo dhameystiri doono kuraasta ku dhiman maamulkaas, oo qeyb ka tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.
Madaxda sare ee Jubbaland ayaa hore u sheegay in ka Dowlad-Goboleed ahaan ay diyaar u yihiin in ay wareejiyaan macluumaadka la xiriira Doorashada Garbahaarey si looga gudbo caqabadaha hortaagan doorashada 16ka kursi.
Dhinacyada saameynta ku leh gobolka Gedo ee deegaan ahaan Jubbaland ku metala ayey sheegen inay diyaar u yihiin ka qayb-galka dedaallada uu wado Guddiga wakiilka ka ah Wasiirka 1-aad ee XFS, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Si kastaba, Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa xiligaan tanaasul badan ka muujinaya sidii doorashada uga qabsoomi laheyd Garbahaarey, iyaga oo rajeeyay in la kala saari doono is qab-qabsiga siyaasadeed iyo doorashada, halka Kooxda Farmaajo ay rabto inay si buuxda ula wareegto maamulka kuraastaas.