Axmed Madoobe oo la kulmay Wafdiga Guddiga FEIT ee gaaray Kismaayo

17″ April “2022” Muqdisho”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

Kulanka dhinacyada ayaa diirada lagu saaray qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Magaalada ceelwaaq iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xubnaha uu kulanka la qaatay u balan qaaday in Jubbaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo Magaalada Kismaayo ay maanta gaareen Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga FEIT Muuse Geelle Yusuf, iyagoo qorshahoodu uu haatan yahay inay usii gudbaan degmada Cabudwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo la geeyay doorashada 16 kursi.

Ujeedka ay degmada Ceelwaaq u tagayaan xubnaha wafuudaan ayaa ah inay kormeel ku sameeyaan halka lagu qabanayo doorashada, iyagoo sidoo kale goob joogayaal ka noqon doona habsi u socodka doorashada kuraasta 16-ka ah.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga FEIT oo gaaray Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka ee FEIT ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee DG Jubbaland.

Xubnaha wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga F犀利士 EIT Muuse Geelle Yuusuf waxaa qeyb ka ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Mowliid Mataan iyo xubno kale, iyadoo wafuuda garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga FEIT iyo xubnaha safarkiisa ku wehlinaya ayaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ay kulan kula yeeshaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad goboleedka Jubbaland kaas oo diirada lagu saarayo doorashada 16-ka kursi ee laga soo wareejiyay magaalada Garbahaareey islamarkaana loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee ka tirsan Gobolka Gedo.

Intaas kadib xunaha Guddiga ayaa markaa usii gudbi doona sida uu qurshahoodu yahay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo lagu qabanayo doorashada 16-ka kursi, waxaana ay indho indheen ku sameyn doonaan halka lagu qabanayo doorashada kuraastaas, iyaga oo goob joog ka noqon doonaan doorashada halkaas ka dhaceysa maalmaha soo socda.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in lagu dhex arkayo Ciidamo badan oo ka kala tirsan Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo sugaya ammaanka guud ee degmadaas.