Axmed Madoobe oo loo diiday inuu ka dago Nairobi, Iyadoo xaalafiisa Caafimaad uu sii xumaanayo

Warar aan ka helnay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaaya in maalmihii lasoo dhaafay xubno xildhibaano u badan oo ka wakiil ah Axmed Madoobe kulan la yeesheen Sirdoonka Military-ga Kenya (Military Intelligence) waxayna ka codsadeen in la siiyo diyaarad ay leeyihiin Military-ga Kenya oo soo qaada Axmed Madoobe oo ku xayiran Magaalada Kismaayo madaama Dowladda Soomaaliya saartay xayiraad safar una jartay Waaran soo qabasho.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay la arkayay xubnaha Axmed Madoobe taageersan oo dadka Nairobi jooga u sheegaayay in Madoobe imanaayo Nairobi, laakiin dabagal dheer oo aan sameynay waxaan ku ogaanay in Dowladda Soomaaliya iyo Kenya si dhaw uga wada hadleen inaan Axmed Madoobe wax xiriir ah lala sameyn karin, si loo ilaaliyo xiriirka diblamaasiyadeed, Dhaqaale, Deris-wanaag iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dowladood.

Wasaaraddu waxay ogaatay in xubno katirsan Sirdoonka Dowladda Imaraadka Carabta oo degan hotelka JW Marriott ee Magaalada Nairobi qorsheynayaan sidii Axmed Madoobe loogu qaadi lahaa Imaraadka maaddaama xaaladiisa Caafimaad aad u liidato, laakiin wax walba waxaa adkeeyay kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka warheshay isku dayga Axmed la doonaayo in lagu keeno Nairobi waxayna warqad qoraal ah la wadaagtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.