Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si deg deg ah dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamulkaasi
U jeedka Axmed Madoobe ayaa ah sidii Tacsida iyo murugada uu ula qaybsan lahaa ehelada iyo qaraabada Dadka Shacabka iyo Masuuliyiinta ku geeriyooday qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Qaraxa maanta ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa kaasi oo isku qarxiyay dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbland, waxaana mas’uuliyiinta ku dhintay qaraxaas ismiidaaminta ahaa ka mid ahaa Guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland