Axmed Madoobe “Waa Lagama Maarman In Doorashadu Noqoto Mid la isla Ogolyahay

DHUUSAMAREEB- RADIODALSAN

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug kaga qaybgalay shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu u mahad celiyay dhamaan Shacabka iyo Xukuumada Galmudug sidii sharafta iyo Maamuuska lahayd ee ay usoo dhaweeyeen wafdigiisa iyo dhamaan ka qaybgalayaasha shirkan.

Waxaa Madaxweynahu uu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan uu noqdo mid wax badan ka tara Arimaha Siyaasada ee dalka ka taagan oo ay ugu weyn tahay Arimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in tartanka Doorashada Madaxtinimada dalkeenu ay soo martay marxalado kala duwan iyadoo ay tan iyo markii Federaalka la Aas Aasay ay caado inoo ahayd in afartii sanaba mar la qabto Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha taas oo qof walba uu nasiibkiisa ka dhex raadiyo.

Waxaa kale oo uu xusay in qaababka Doorashooyinkaas loo qaban jiray ay mar walba ahayd halka la taagan yahay Siyaasada ahaan iyo amni ahaanba isla markana mar walba ay lagama maarmaan tahay in Doorashooyinku ay noqdaan kuwo la isla ogolyahay.

Masuuliyada ayuu sheegay Madaxweynahu in ay qof walba loo baahan yahay in lagu tixgaliyo haday noqoto heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si wakhti danbe uuna dalkeena uga khasaarin isla markana horay loogu sii socdo.

Hay’adaha Federaalka ah ayuu sheegay Madaxweynahu in ay kahor inta aanay meel marin xeerar iyo qaraaro saamayanaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah ay la tashi la sameeyaan dhinacyada ay

Leave a Reply