29″‘July 2021″ Kismayo
Axmed Madoobe “Waxaynu Dalkeena Ka Saarnay Hubanti La’aantii Doorashada”
Madaxweynaha Jubbaland ayaa u hambalyeeyey Xildhibaanada cusub ee Aqalka sare ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo
Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku tilmaamay doorashada ka dhacday magaalada Kismaayo inay tahay guul weyn oo taariikhi ah oo uu dalkeenu gaaray.
Qoraal kooban oo u soo dhigey bartiisa ayuu ku sheegay in tan ay ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, waxana uu rajo ka muujiyay in qeybaha kale ee dhiman inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.
Halkan aqriso qoraalka uu ugaga hadlay doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe.
Waxaan maanta gaaray guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray.
Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.
Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.
Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka.”
Doorashadii ka socotay Kismaayo oo la soo gabagabeeyay
Doorashadii ka dhacaysay magaalada Kismaayo ayaa la soo gabagabeeyay goor dhow kadib markii afar kursi oo ka mid ah kuraastan Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliyeed la doortay.
Waxaa goor dhow soo dhamaatay doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ee maanta ka dhacaysay magaalada Kismaayo.
Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 Cod ku guuelystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 Cod.
Afarta Sanatar ee maanta ku guuleystey doorashada ayaa kala ah;
1- Ilyaas Badal Gaboose.
2- Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,
3-Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan iyo
4-Iftiin Xasan Iimaan Baasto
Madaxweynaha Jubbaland oo u hambalyeeyey Xildhibaanada cusub ee Aqalka sare ee maanta lagu doortay Kismaayo.
Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil oo markale loo doortay Aqalka Sare
C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa mar kale loo doortay Senatarnimada Aqalka Sare, isagoo ku guuleystay 71 cod, iyadoo Musharaxii la tartamayay uu tanaasulay.
Waa Sanatarkii labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad oo maanta犀利士
lagu doortay Kismaayo.
Waxaa sidoo kale hore loo doortay Ilyaas Badal Gaboose oo noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee loo doortay aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad.
Sidoo kale Kursiga Afaraad ee doorashada Maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku tartami lahaa Ibraahim Yacquub iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto,
Hayeeshee Ibraahim Yacquub ayaa tanaasuley, waxaana Iftiin Xasan Iimaan Baasto uu gacan taag ah ku noqdo Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare.
Senatarkii Labaad Ee Aqalka Sare oo Lagu Doortay Magaalada Kismaayo
Waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamulka Jubbaland lagu doortay Senetarkii labaad ee ka tirsan Baarlamaanka 11aad ee Golaha aqalka sare.
Doorasho ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa loogu doortay in uu noqdo Sneterkii labaad ee ku guuleystay Afarta kursi ee taalla Jubbaland, waxaan uu helay 73 cod, 2 xildhibaan ayaa ka aamusay, musharixii la tartamayay oo Lagu magcaabo Axmed Maxamed Jaamac ayaa ka haray tartanka.
Afarta kursi ee yaalla Jubbaland ayaa waxaa Kursi ka mid ah horay ugu guuleystay Ilyaas Badal Gaboose , waxaana uu noqday Senatarkii u horreeyay ee loo doortay Kursiga Aqalka sare Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya, waxaana harsan labo kursi oo saacadaha soo aaddan lagu dhawaaqi doono Musharixiinta ku guuleysta.
Ilyaas Gaboose ayaa helay 55 cod, halka Musharaxa la tartamayay Maxamed Axmed Sayid uu helay 17 cod, kaddib doorasho ka dhacday Kismaayo oo Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland doorteen.
Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya Maamulkii ugu horreeyay ee doorashadu ay ilaa iyo hadda si toos ah uga billaabatay, waxaana ilaa iyo hadda la sugaya Maamulada kale, si ay u billaabaan doorashada Xubnaha Aqalka sare, oo hor dhac u ah doorashada guud ee dalka ka bilaabatay