Ayaandarada ka dhalatay Isafgaradkii Lagu Fududaaday waxay haatan Garaacaysaa albaabka Abiy🚨

Kenya, Burundi, Djibouti Iyo Uganda ooy ciidamo ka joogaan #Somalia ayaa Itoobiya ku raaci waayay doodeeda ku aadan in luglahaansha qaranka waqooyiga Afrika ee Masar howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya uu yahay mid caraqaladeeynaya xasiloonida Geeska Afrika

Ku biiritaanka ciidamada Masar ee howlgalka cusub ee AUSSOM Iyo ka saaritaanka Itoobiya oo lagu qoonsaday qorshaheeda dhulbalaarsiga waxa ay guul istiraatiji ah u tahay #Somalia Iyo guud ahaan Xasiloonida #GeeskaAfrika

Hoos u dhigista Atmis ayaa mar hore sii wiiqmeysay Iyadoo al-Shabaab, ay ku dhex milantay heyaddaha amaanka DFS

Hase yeeshee soo laabashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardargalisay u dhaqaaqista In uu xidido siibo Argagixisada taas oo haatan ay ka mashquulineyso sidii ay uga taqalusi laheyd damaca Itoobiya ee ku darsiga

Alshabaab ayaa hada laga digayaa inay ka faa’iidaysan karaan Jahwareeka gobolka ee uu abuuray, Reysilwasaaraha Itoobiya oo Is aIsafgarad uu ku fududaaday la galay maamulgoboleedka Somaliland xili uu aad uga hurayo gudaha dalkiisa Colaad ku salaysan Qowmiyado doonaya gooni Isu taag

Welwelka beesha caalamka ee arintan ayaa soo xoogeysaneysa Iyadoo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) Gen Michael Langley, uu qiray in baacsigii lagu hayay Al-Shabaab uu yaraaday tan iyo markii xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya ay bilaabatay.

Wixii ka dambeeya Nofeembar 15-keeda, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u ansixiyo waajibaadka Aussom iyo gaaritaanka hawlgalka, kaas oo noqon doona mid lagu qeexi doono dabeecadda iyo hawlo gaar ah oo u hiilinaya Ciidamada ammaanka ee #Soomaaliya kaas oo lagu wado in uu biloowdo January 1, 2025.

By/ Elmi Osman Farah Boodhari