Ayax Ku Habsaday Dhul Beereed Ku Yaal K/Galbeed Somalia

23″ Dec” 2020

Beeraleyda Degmada Xuddur ayaa saaka waaberigii ku ka lahay Beeraha oo ku waabaristay Ayaxa farabadan oo shalay galabtii ku soo degay,  kaa soo dhibaato ba’an u geystay dalagyadii kala duwanaa ee ay rajeynayeen beeraleyda inuu u soo go’o bilaha soo socda.

Majirto qaab looga hortagayo ama looga kiciyo Ayaxa dhulka uu ku soo degay, hase ahaatee beeralayda ayaa sameynayey isku dayo ay ku doonayeen inay Ayaxa kaga dulqaadaan beerahooda.

Beeraleyda qaar ayaa dib isaga soo laabtay guryahooda, ka dib markii ay karaja beeleen dalagii beeraha ugu yaalay, iyagoona saameeyay isku dayo ay ku doonayeen inay Ayaxa kaga dulqaadaan beerahooda

Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Koonfur galbeed ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa ayaa tilmaamay in  Ayaxa uu saameen ba’an ku yeeshay dalagii ka soo go’I laha beeraha.

Maamulka gobolka Bakool oo kormeerey  beeraha maanta uu ku degey Ayaxa oo warbaahinta lahadlay ayaa fariin u direy Madaxda dowlad gobleedka koonfur galbeed, dowlada Federaalka iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay u soo gurmadaan beeralayda gobolka oo sanadkaan intooda badan wixi ay tacbadeen uu latagay Ayaxa.

Leave a Reply