7″ November “2022” XIGASHO: REUTERS
Kooxda baarayaasha ayaa waxaa ka mid ah la-taliyayaal farsamo oo ka socda diyaaradda Franco-Italyan ee ATR, taasoo samaysay diyaaradii burburtay.
Baarayaasha shilalka cirka ee Faransiiska ayaa loo daad gureynayaa Tanzania si ay gacan uga geystaan baaritaanka shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof maalintii Axadda.
Afhayeen u hadlay wakaaladda baadhista shilalka hawada ee Faransiiska ee BEA ayaa Isniintii sheegay inay koox u dirayso Tanzania oo ay weheliyaan la-taliyayaal farsamo oo ka socda diyaaradda Franco-Talyaaniga ee ATR.
Diyaaradda ku burburtay harada Victoria, ayaa nooceedu ahaa ATR 42-500 oo Turboprop ah oo ay shirkaddu samaysay.
Duulimaadka PW494, ee ay maamusho shirkadda Precision Air, ayaa ku dhufatay biyaha intii lagu jiray dabaylo iyo roobab xooggan, sida ay sheegtay shirkadda warbaahinta Tansaaniya ee TBC. Musiibadan ayaa dhacday xilli diyaaraddu ay isku dayday inay ku degto garoon u dhow, Ra’iisul Wasaare Kassim Majaliwa iyo shirkadda diyaaradaha ayaa sheegay.
Majaliwa waxa uu sheegay in baadhayaashu ay bilaabeen baadhitaan ku saabsan sida ay wax u dhaceen khubaradu waxa ay sheegeen in ay taasi qaadan karto bilo.
Marka loo eego xeerarka caalamiga ah, baadhista maxaligu hogaaminayso waxa ka mid ah ka qaybgalka masuuliyiinta Faransiiska, halka diyaaradda lagu nashqadeeyay, iyo Kanada, halkaas oo matoorada Pratt & Whitney laga sameeyay.
ATR waxay sheegtay inay “si buuxda ugu hawlan tahay inay taageerto macaamilka iyo baaritaanka”.
XIGASHO: REUTERS