Daawo Baarlamaanka Somalia oo maanta bilaabay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka qabyada ah


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

11-March-2024- Muqdisho

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay ka Doodista cutubka 4-aad oo ka hadlaya Matalaadda Shacabka, Madaxa Koowaad(Mabaadii’da Guud ee Matalaadda Shacabka) iyo Madaxa Labaad oo ka hadlaayo (Doorashooyinka).

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay uga soo dooday cutubyada 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, iyagaa marka uu soo dhamaado ka doodista Cutubyada dastuurka KMG lagu wado inay ansixiyaan.

Dhanka kale wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka wado la tashiyo ku aadan dastuurka KMG, si loo dhageysto aragtida Shacabka Soomaaliyeed oo muhiim ah dastuurka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sida dalka u yeelan lahaa dastuur dhameystiran oo meesha ka saara KMG uu muddo ku soo jiray dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.