Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
30″ July”2022″ Garoowe
Golaha wakiilada puntland, ayaa fadhigoodii 30aad ee kalfadhiga 50aad maanta la horkeenay mudanayaashana, lala wadaagay warqad codsi ah oo ka timid, Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdulhi Dani ku codsanayey iibka dhulka dawladda hoose ee dagmada Garoowe, kaas oo cabirkiisu dhan yahay 30×90.
Laguna iibiyo tartan furan sida uu qabo Dastuurka Puntland qodobkiisa 52aad farqadiisa 3aad, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay oggol 5 xildhibaan, diidmo 27, aamus 11, golaha wakiillada, ayaana sidaa ku diiday iibka dhulka dawladda hoose ee Garoowe.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta guddoomiyey, kaas oo ahaa mid xasaasi ah.
Fadhiga ay yeesheen Xildhibaananada Golaha Wakiillada sidoo kale wuxuu ahaa fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee, iyadoo uu ajendaha kulanka uu ahaa qodobadaan hoose.
• Ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021.
• Xasaanad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada &Tacliinta Sare DPL
• Ansixinta xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland – TPEC.
• Dhageysiga Warbixinta Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad.