Maxay mucaaradka Puntland u diideen guddiga ansixinta, maxaase laga yaqaan xubnaha guddigaas

Maxay mucaaradka Puntland u diideen guddiga ansixinta, maxaase laga yaqaan xubnaha guddigaas

Mucaaradka Puntland ayaa ku gacan sayaray guddi uu magacaabay madaxweynaha maamul goboleedkaas kaasoo loo xil saaray ‘ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiillada’.

Faarax Cali Shire oo ka tirsan mucaaradka ayaa BBC u sheegay in ay u arkaan guddigaas mid aan dhex dhexaad ahayn, ‘oo aan la marin shuruudihii lagu soo xuli lahaa’.

Isagoo ka hadlayey xagga dhexdhexaadnimada ayuu yiri “waa dad dhanna qaraabo ah, qaarna ay xubno ka yihiin xisbiga madaxweynaha ee Kaah”.

Wuxuu Faarax Cali Shire intaa ku daray in aan la marin nidaamkii lagu soo xuli lahaa xubnahaas “ee ay ahayd in madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka wada tashadaan”.

Xubnaha guddigaas waxay isugu jiraan dad siyaasiyiin ah iyo kuwo aan siyaasadda ku jirin: BBC waxay ogaatay in xubnahaas qaarkood ay ku jiraan xisbiga Kaah ee madaxweyne 壯陽藥 Deni

Faarax Cabdi Dhalac: Waa siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool. Waa nin ka mid ah qurba joogta dalka dib ugu soo laabtay.

Wuxuu muddo kooban xubin ka noqday golihii wasiirrada ee dawladdii Cabdiraxmaan Faroole, isagoo loo magacaabay wasiir ku xigeenka qorshaynta.

Sida ay dad xog ogaal ah u sheegeen BBC, waxay aragtida siyaasadda ku kala fog yihiin madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Isaaq Axmed Xasan: Waa guddoomiyaha guddiga, wuxuuna qiyas 10 sano ah ayaa guddoomiyaha degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Waa nin qurbaha muddo ku noolaa, laakinse dib ugu soo laabtay dalka. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin afgaaban.

Siciid Xirsi Bulxan: Siciid waa nin ka soo jeeda gobolka Nugaal, wuxuuna ka mid ahaa jabhaddii SSDF ee dagaalka kula jirtay xukuumaddii kacaanka. Muddo dheer wuxuu ahaa macallin iskuul iyo ganacsade, mana aha nin leh taariikh siyaasadeed oo dheer marka laga reebo aabihii Xirsi Bulxan oo siyaasadda Soomaaliya ku soo jiray tan iyo 60meeyadii.

Nabadoon Maxamuud Maxamed Axmed: Nabadoonka ayaa ka soo jeeda degmada Qardho, waxaana lagu tilmaamaa nin wakhti badan geliyey ka shaqaynta nabadda Puntland. Ma laha taariikh dheer oo siyaasadeed, wuxuuse xubin ka yahay xisbiga madaxweynaha ee Kaah. Waxay ehel yihiin taliyaha ciidanka PISF Jeneraal Amiin Xaaji Kheyr oo uu madaxweyne Deni magacaabay markii uu dagaalka dhex maray ciidanka iyo dawladda iyo taliyihii hore ee ciidankaas Asad Cismaan Diyaano.

Yuusuf Suudi Cabdi: Yuusuf waa xoghayaha guddiga, waana nin aan hore ugu jirin siyaasadda. Wuxuu ka soo shaqeeyey hay’adda Tadaamun, wuxuuna ahaa macallin iskuul. Wuxuu ka mid ahaa dadka tabarrucaadka uruuriya, isla markaana abaabula tartamada la qabto Bisha Ramadan. Muddo dheer ayey isaga madaxweyne Deni ahaayeen dad aad isugu dhow oo arrimaha waxbarashada ka shaqeeya, ayadoo Deni uu maamule ka noqday iskuulkii uu maamulaha ka ahaa Yuusuf.

Haddaba haddii is mari waa uu halkaa ka dhasho, wakhtigii doorashadana uu soo dhow yahay muxuu yahay qorshaha mucaaradka.

“Waxaa muhiim ah in la helo marjac dib loogu laabto oo xalliya wixii khilaaf ah ee yimaada, kaasoo ay isimadu garwadeen ka yihiin” ayuu yiri Faarax Cali Shire oo BBC la hadlay. Wuxuu intaa ku daray in madaxweynaha ay tahay inuu dhegeysto isimada “maadaama ay ku lug leeyihiin xulista xildhibaannada” ayuu yiri Faarax.

Dhawaan ayey ahayd markii la xalliyey murankii ku saabsanaa doorashada madaxweynaha Puntland ayadoo la go’aamiyey in 66ka xildhibaan ee baarlamaanku ay soo doortaan xilligii doorashada loogu tala galay inay dhacdo ee 8 Janaayo, ayadoo sannad ka dibna la qaban doono doorashada baarlamaanka.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan xubno mucaaradka ka tirsan oo aan diiddanayn guddigan uu soo magacaabay madaxweyne Deni

Baarlamaanka Puntland oo ka hor yimid Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Doorashada

Iyadoo Xalay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka ayaa Af-hayeenka Baarlmanka Puntland waxaa uu ka horyimid Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Doorashada, isaga oo la saftay Musharrixiinta Mucaaridka qaar kood oo iyana ka horyimid.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA BAARLAMAANKA PUNTLAND

Leave a Reply