Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
29- November-2023

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 2-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta uu shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa waxaa uu ajandihiisu ahaa dhameystirka doodii socotay ee la xiriirtay xaaladda fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyo qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.
Xildhibaan Ceymooy “Dadkeena waxaa iskugu darsamay Daadadkii roobka iyo fatahaada Wabiga marka gurmad deg deg ah ayaa la rabaa”
Xildhibaan Mucalimu “Musiibadda hadda taagan waa mid la mid ah tii 1997, waxaana looga gudbay gurmad dadka Soomaaliyeed aysan u kala harin, Maanta yaan loo kala harin gurmadka”
Xildhibaan Cabdikariin “Sanad gudihiis in marna Dadkeenu abaar u dhintaan marna biyo u dhintaan waa qorshe xumo