Baarlamaanka Somaliland oo diiday xarigga Xil : Maxamed Abiib iyo qoyskiisa oo ka hadlay xaaladiisa

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xalay ku hoyday xabsiga Mandheera, oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Qoyska xildhibaanka ayaa aad uga walaacsan xaaladiisa, inkasta oo uu xildhibaanku la hadlay aabihiis sida uu BBC-da u sheegay Cabdulqaadir Abiib oo ah xildhibaanka walaalkiis.

“Shalay ayay walaalkey iyo aabbe wada hadleen, waxa uuna ku yiri waa nabad qabaa, wax intaa dhaafsanna kama aynaan helin,’’ ayuu yiri Cabdiqaadir Abiib.

Waxa uu intaa ku daray in xogo kale oo ay saaka heleen ay sheegayaan in ay jiraan jirdil iyo dhaawacyo loo geystay xildhibaanka, “Xaaladdiisa caafimaad kama warbixin karno waxa uu ku sugan yahay, laakiin wararku waxa ay sheegayaan in ay nabarro gaareen oo ay dhibaato gaartay waa ay soo baxayaan, balse anigu wax rasmi ah oo aan sheegi karno ma hayno,’’ ayuu yiri xildhibaanka walaalkiis.

Qoyska xildhibaanka ayaa wajahaya cabsi badan oo ay ka qabaan caafimaadkiisa iyo halka saxda ah ee uu ku sugan yahay, waxa uuna Cabdulqaadir sheegay in qoraalada baraha bulshada ay ku arkayaan ee ku saabsan xarigga walaalkiis ay ku badineyso cabsida.

Tan iyo shalay qoyska xildhibaan Maxamed Abiib ayaa isku dayayey in ay baadigoobaan halka saxda ah ee uu xildhibaanku ku xiran yahay walow aysan u suurtoobin, iyadoona xalay ay ogaadeen inuu ku xiran yahay xabsiga Mandheera.

Qoyska xildhibaanka ayaa BBC-da u sheegay in xalay ay madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Boorama ay u direen odayaasha matala xildhibaanka balse uu diiday in uu la kulmo, Cabdulqaadir Abiib ayaa BBC-da u sheegay sida tan, ‘’Ninkii waddanka ugu sareeyay Boorama ayuu joogaa, xalay odayaasha Boorama ku sugan wuu diiday in uu la kulmo, cidna lama kulmayo qof reer Awdal ah lama kulmayo baa la yiri xalay oo odayaasha lagu wargaliyay,’’ ayuu yiri Cabdulqaadir.

Qoyska xildhibaanka ayaa sheegay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax eed ah oo loo heysto ama sababta uu u xiran yahay xildhibaan Abiib, iyagoo ku eedeeyey laamaha amniga inay sharci darro ku haystaan.

Golaha wakiillada oo laalay Dacwaddii xildhibaan Maxamed Abiib ee xeer ilaalinta ay ka soo gudbisay

Ka dib xariggii shalay ee xildhibaan Abiib, waxaa la iskugu yeeray fadhi loo dhan yahay oo looga arrinsanayo xarigga xildhibaanka iyo eedeymaha loo jeediyay.

Waxa ay sheegeen in ay tageen xabsiyo badan oo ay tuhmayeen balse ay ka soo waayeen, xilli markii danbe ay tageen xabsiga Mandheera oo uu ku xirnaa balse waxaa lagu wargaliyay in ay warqad sharci ah oo booqasho ka soo jartaan taliyaha asluubta, inkasta oo markii danbe loo sheegay in uu dhamaaday waqtigii booqashada.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta laga hor akhriyey Dacwaddii ay dhawaan xeer ilaalinta Somaliland kasoo gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib, waxa ayna isku raaceen in xildhibaanka aanan laga qaadin xasaanadiisa, sidoo kalena aan lagu sameyn maamuus ka xayuubin.

Xildhibaan Maxamed Abiib
Qoraalka sawirka,Fadhiga golaha ayaa waxaa soo xaadiray 57 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland

Fadhiga golaha oo ay soo xaadireen 57 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa cod gacan taag ah lagu laalay dacwadihii ka dhanka ahaa xildhibaanka ee ay xeer ilaalinta soo gudbiyeen.

57 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay xildhibaan Abiib, halka 3 mudane ay ogolaadeen, sidoo kale 2 xildhibaan ayaa ka aamusay, ugu danbeyna gudoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in sidaas ay ku burtay eedeymihii loo jeediyay xildhibaan Maxamed Abiib oo haatan maxbuus ah.

Xildhibaanka ayaa horay u wajahay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u hiilin cadow, iyo in uu ka hor yimid danaha qaranka.

Ka dib markii uu soo idlaaday codka gacan taagga ah ayay laba ka mid ah xildhibaanada golaha isku gacan qaadeen waxaana la arkayay muuqaal laga soo duubay golaha xilli ay isku gacan qaadayeen laba xildhibaan oo kala ah Barkhat Jaamac Batuun iyo Jamaal Jaah oo labaduba golaha ka tirsan.