30-March-2024- Muqdisho
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey cutubyo kamid ah Dastuurka KMG ah ee Dalka.
254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan犀利士 Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada ansixinta Dastuurka.
Xogahayaha Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Labada Aqal Sennatar Siciid Cawke, oo ugu horreyn soo jeedyay in seddex qodob ka ka tirsan cutubka 2-aad laga reebay rasteynta iyo ansixinta 4-ta Cutub ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriaydda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanadda Labada Aqal ayaa cod aqlabiyad leh ku anxiyay Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad ee dastuurka. Waxaa Golaha Shacabka u codeysay 212, wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan, Aqalka Sare 42, wax ka aamusay iyo wax diiday ma jiraan waxaana uu Guddoomiyaha sheegay in sidaasi uu ansax ku yahay.
Guddoomiyaha Guddiga la socod-ka Dastuurka Labada Aqal Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf, (Xuseen Iidow), ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay shaqadii wanagsaneyd ee ay soo qabteen iyo Guddiga Madaxbannan ee Dib u eegista Dastuurka oo juhdi badan ku bixiyay sidii looga mira-dhalin lahaa wax-ka-bedelka Dastuurka ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada, Sennatarada, ciidanka ammanka iyo bahda saaxaafada oo uu ku tilmaamay in ay guteen waajibkooda ugu na shaqeeyeen dalkooda. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in Baarlamaanka uu galay waqtigiisa fasaxa ahaa, isagoona Xildhibaannada Labada Aqal kula dardaarmay in waqtiga fasaxa laga faaideysto lana aado deegaan doorashooyinka.