Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhaqaaqay qorshe lagu kordhinayo muddo xileedkooda

4″ March “2023” BBC

Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa qabtay guddiyo gaar ah oo ka kooban min toban xubnood, kuwaas oo sida ku cad bayaannada ka soo kala baxay labada aqal ka soo talo bixin doona muddo kordhin loo sameeyo baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka.

Bayaan ku astaysnaa dabayaaqadii bishii tagtay oo ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay guddi gaar ah oo ka kooban 10 xildhibaan, kuwaas oo la sheegay inay warbixin ka soo diyaarin doonaan talo dastuurka wax looga badelayo oo ay soo jeediyeen xildhibaanno ka tirsan isla golaha, iyo weliba in guddiga la qabtay uu warbixintiisa u soo gudbin doono guddoonka golaha si arrintaas loogu daro ajandayaasha baarlamaanka.

Bayaan noocaas oo kale ah oo ka soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isna lagu shaaciyay magacyada 10 senator kuwaas oo la sheegay in ay ka soo shaqeyn doonaan isku-dubbaridka wax ka badelka muddo xileedka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynahaba.

Labada bayaan waxaa ku kala saxiixnaa guddoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo dhiggeeda Aqalka Sare ee dalka Cali Shacbaan Ibraahim

Sida ku cad bayaannadan shalay la shaaciyay, guddiyada la qabtay ayaa imanaya kaddib markii ku dhawaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 15 senator oo ka tirsan Aqalka Sare ay bartamihii bishii tagtay golayaashooda u kala gudbiyeen soo jeedin aheyd in wax laga badelo dastuurka dalka, taas oo la sheegay in ujeedada ugu wayn ay tahay in muddo sanad ah ay ku darsadaan muddada ay xafiisyada joogayaan xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynahaba.

Xildhibaannada labada gole ee soo gudbiyay talada wax looga badeliyo dastuurka ayaa doonaya inay wax ka badelaan dhowr qodob oo ka tirsan dastuurka kumeelgaarka ah sida qodobka lixdanaad iyo kan kow iyo sagaashanaad, kuwaas oo dhigaya in muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxweynahaba ay yihiin 4 sanadood oo kaliya oo ka bilaabanaysa maalinta xilka loo dhaariyo.

Asxaab iyo shakhsiyaad ka horyimid talo soo jeedinta muddada lagu kororsanayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed
Qoraalka sawirka,Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga soo horjeestay dedaallada lagu doonayo in wax looga baddelo dastuurka ee ay labada aqal ee baarlamaanka dalka ku doonayaan inay ku darsadaan muddo xileedkooda iyo kan madaxweynahaba.

Bayaankan oo soo baxay 19 bishii Febraayo ayaa lagu sheegay in ayaan darro wayn ay tahay in goloyaasha dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay baal maraan qodobada ku qeexan dastuurkii lagu soo doortay ee awoodda u siiyay inay bulshada hogaamiyaan.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in anaay suuragal ahayn in gole la doortay uu isugu isu kordhiyo mudada uu xafiiska joogayo, haddii ayse wax ka badelaan qodobada qeexaya muddo xileedka, taas dhaqangelinteeda waxa ay noqon doontaa muddo xileedka dambe.

Dhanka kale ergayga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha ee madaxweynaha Soomaliya, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si kulul isna uga falceliyey bayaannada warqadaha ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya ee la doonayo in wax looga badelo dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur War<span style=犀利士 same”/>
Qoraalka sawirka,Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka inay ka shaqeynayaan muddo kororsi. Warqadaha ka soo baxay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka ayaa lagu magacaabay laba guddi oo ka kooban min 10 xubnoo, kuwaas oo kasoo tala bixin doona wax ka baddelka dastuurka.

Qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in loo baahnaa in laga fakaro sidii looga bixi lahaa nidaamka doorashada dadban ee aan laga filayn in ay muddo korarsi ka fekeraan guddoonka baarlamaanku.

“Guddoonka Baarlamaanka waxaa laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa, oo mid dadwaynaha cod ku leeyihiin lagu heli lahaa, dalkana looga hirgelin lahaa hannaankii xisbiyada,” ayuu ku yiri xildhibaan Cabdiraxmaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Waxaa uu sheegay in aan xilligan looga baahnayn guddoonka baarlamaanku in ka fekeraan muddo kororsi “iyaga oo weliba og mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi lagasoo maray.”

Guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo la magacaabay

Maalintii Khamiista aheyd ayaa wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka, Xasan Macalim Maxamuud, waxa uu magacaabay guddi madax-bannaan oo ka kooban shan xubnood oo dib-u-eegi doona dastuurka Soomaaliya kana shaqeyn doona hirgelintiisa.

Guddigaas ayaa waxaa markiiba ansixiyay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyadoo tallaabada xigtana ay tahay in la horgeeyo baarlamaanka federaalka si loo dhammeystiro habraaca dastuuriga ah ee magacabista guddigan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

1. Mohammed Hassan Idriss

2. Ahmed Mohamuud Jama

3. Mohamed Abdalla Salah

4. Farhia Mumin Ali

5. Burhan Adan Omar.

Xubnahan kor ku xusan ayaa waxaa lagu soo dari doonaa shan xubnood oo kale oo ka imaan doona dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Leave a Reply