Baarlamanka oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta ka dib weerarkii Cowswayne

2- September-2023

Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay weerarkii xooganaa ee ay dhawaan Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay ciidamada Xoogga dalka.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay su’aallo, iyada oo dowladda Soomaaliya lagu dhalillay inay dayacday askartii lagu laayay halkaasi.

Xildhibaan Maxamuud Jeego oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka Soomaaliya uu weerarkaas wax ka weyn diin doono wasiirka gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow, si la’iskula xisaabtamo khasaaraha dhacdadaasi

Baarlamaankan wuxuu ka shaqeeyaa siyaasad & sharci dajin wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa laga wareysan doonaan wixii ka dhacay Cowswayne” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Jeego oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia.

Jeego ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalka sidiisaba u犀利士 u ka dhasho dhimasho iyo dhaawac, balse waxa uu ka digay in la niyad-jebiyo ciidanka Xooggga dalka

“Howlgal marka uu dhaco dhimasho iyo dhaawacbaa waa ka dhashaa laakiin yaan la niyad-jebin cadowgaba waa dhintay, waana dhaawacmay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in dagaallada ka socda furinaha dagaalka ay ku jabeen Al-Shabaab, isla-markaana waqtigooda uu yahay gabaabsi.

“Waa jabay codowga goobo badana waa laga saaray inta dhiman oo haraadigaana way ka bixi doonaan” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Maxamuud Jeego.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada madaxweyne Xasan Sheekh oo isna xalay hadlay uu qiray in Cowswayne ay noqotay meesha kaliya ee lagu soo jebiyay ciidamada dowladda.