Banaanbax Ka Dhan Ah Madaxweynaha Faransiiska oo Ka Dhacay K/Galbeed Somalia

Radiodalsan

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday gafkii Diinta uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo taageeradii uu u muujiyay Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH ayaa ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dadweyne farabadan oo isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo Culimo ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Waajid, waxaana banaanbaxooda ay soo horjeedeen Macron oo u gafay diinta, iyagoona aad uga xumaaday hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha,

Qaar kamid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay u taagan yihiin difaacada Rasuulka, isla markaana aysan marnaba ogoleyn in wax laga sheego Rasuulka SCW , ayna aad u jecel yihiin Nebiga.

Sidoo kale Culimada ka hadlay banaanbaxa ayaa naclad ku riday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, iyagoona ku tilmaamay Macron sheydaan weyn, iyagoona banaanbaxayaasha ku dhawaaqayay Allahu Akbar Allahu Akbar.

Magaalooyin  waaweyn oo kamid ah dalka SOomaaliya ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo u gafay Diinta iyo Nebi Muxamed NNKH, waxaana xusid mudan in sidoo kale dalalka Islaamka ka dhaceen banaanbaxyo ka dhan ah Macron.

Leave a Reply