Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa ka socday banaabax ay soo abaabuleen kooxaha mucaaradka waxaa la maqlyaa dhawaqa rasaas xoogan iyo sunta dadka ka ilmaysiisa oo ciidanka Booliska Ku kala cayrinayaan kooxaha rabshadaha wada.
Taageerayaal taabacsan Murashaxa u taagan qabashada xilka Madaxwaynaha Uganda Bobi Wine ayaa isugu soo baxay qaybo kamid waddooyinka Caasimadda kampala, iyagoo ka caraysan xarig shalay loo gaystay murashax bobi wine.
Ciidamada dowladda Uganda ayaa wada dadaal ay ku doonayaan inay ku kala eryaan dadka banaanbaxa ka dhigaya waddooyinka waaweyn ee Caasimadda kampala, waxaana Ciidanka ay ridayaan rasaas xoogan.
Dadka dhigaya banaanbaxaaas oo ah kuwa aad u careysan ayaa gubaya taayaro waaweyn, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday goobta uu ka socdo banaanbaxa looga soo horjeedo xariga loo gaystay murashax bobi wine.
