28″ October. 2022″ Dheeho
Munaasabadda Bandhigga GSMA World Mobile Conference (MWC22) oo uu furay Madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame ayaa shahaadada GSMA, Mobile Money Certificate waxaa la guddoonsiiyey shirkadda Hormuud Telecom oo dhawaan u dabaaldegtay 20 sano oo guul ah
Abaalamarinta la gudoonsiiyay Shirkadda Hormuud Telecom ayaa ah shahaadada caalamiga ah ee uu bixiyo ururka caalamiga ah ee isgaarsiinta Mobile-ka GSMA, kaas oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 800 oo shirkadood oo ka diiwaan gashan 219 wadan.
Qiimeyn madax bannaan oo ay samaysay GSMA, oo lagu hubiyay awoodda ay shirkadda Hormuud u leedahay bixinta adeeg la isku hallayn karo oo ilaalinaya xuquuqda macaamiisha ayaa sabab u ah in Hormuud Telecom muteysato shahaahadaan caalamiga ah ee la gudoonsiiyay