Barakac ka biloowday magaalada Laascaanood oo Somaliland ay geeysay ciidamo hor leh

3″ January “2023 Caasimada Online

Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada laascaanood ayaa sheeegaya in magaalada ay ka bilaabatay barakac iyada Somaliland at soo dhoobtay ciidamo hor leh taas oo cirka ku shareeratay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo ku dhawaad 10 maalmood ay rabshado ka socdaan,

Cabdikariin Olol waa Weriye ka tirsan Idaacadda VOA, wuxuuna ku sugan yahay Laascaanood, isagoo ka warbixinayey xaaladda magaalada ayaa wuxuu sheegay in magaalada laga qaxay oo dadku ay banaanka magaalada deegaameysteen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland ay ciidan militeri ah oo aad u badan soo dhoobtay jidadka magaalada, taas oo shacabka u suurta-geli weysay inay sii wadaan dibad-baxyada oo joogsaday labadii maalmood ee u dambeysay.

Weriyahaan ku sugan Laascaanood wuxuu sheegay in xiisadaan ay wada saameysay guud ahaan gobolka Sool, “Xaaladda taagan cabsi badan ayey dadka ku abuurtay, gaadiid badan oo dadka qaxinaya ayaa magaalada lagu dhex arkayaa, wax ganacsi ahna ma socdaan,” ayuu yiri.

Isgaarsiinta magaalada ayuu sheegay in mararka qaar hawada laga saarayo, iyadoo lacagaha laga isticmaalo gobolkaas ay yihiin kaliya kuwa danabeysan ee taleefoonada la isaga diro.

Somaliland ayaa guud ahaanba internetka ka jartay gobolka Sool, waxaana maalin isga壯陽藥 arsiin la’aan ah kadib dadka loo fasaxay ku hadalka iyo lacag dirista taleefoonada oo kaliya, taas oo ka dhigan in ilaa hadda gobolka Sool uusan internet ka shaqeyn.

Ganacsigii magaalada ayaa xirmay, sida uu sheegay weriyahaan, waxaana aad u yar dadka lagu arkayo gudaha magaalada Laascaanood, iyadoo dariiq kasta ay askar militeri ah soo dhoobtay Somaliland.

Gaadiidka qoysaska qaxinaya qaar ayaa ka imaanaya gobollo kale, taas oo muujineysa baaxadda barakaca la socda Laascaanood, xiisadaan ayaa salka ku heysa ku qanacsanaan la’aan maamul oo dadka magaaladu ay qabaan, kadib markii Somaliland ay wax ka qaba weysay dalilka ku socda haldoorka magaaladaas.

Leave a Reply