25″ December “2022”
Barakacayaasha Baydhabo waxa ay xudun yihiin abaarta, gaajada iyo colaadaha Dheeho.com
Baydhabo ayaa ah magaalo ay ku hareereysan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab iyadoo gudaha magaalada ay isku heystaan maamul uu dhamaaday mudo xileedkiisii iyo musharaxiin dooneeysa in la qabto tartan doorasho
Deegaanada maamulka koonfur galbeed ayaa hormuud u ah meelaha ay laga dareemayo macluusha iyo dhibaatada cunno yarida ka jirta Soomaaliya iyadoo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay ka mamnuucday hay’adaha gargaarka caalamiga ah ama kuwa dowladda in ay raashin mucaawino ah ka qeybiyaan deegaannada ay ka taliso kooxdu .
Dhammaan waddooyinka soo gala magaalada Baydhabo ayaa waxaa maamula Al-shabaab, taasoo ku khasabta hay’adaha gargaarka inay ku duuliyaan diyaarado inta badan sahayda gargaarka.
Kooxaha bini’aadantinimada ayaan awoodin baabuur in ay uga soo daabulaan shixnadaha gargaarka magaalada Muqdisho si ay u geeyaan Baydhabo
Hayadda UNICEF Ayaa todbaadkii hore sheegtay Xaaladdu weli inay aad u halis u tahay, iyadoo ka digtay suurtagalnimada macluul sii xooggeeysata laga bilaabo Abriil ilaa Juun 2023 haddii roobabka Abriil ilaa Juun 2023 ay hoos u dhacaan sida saadaasha hadda jirta ay tilmaamayso.
Tan iyo markii la waayay xilli-roobaadkii afraad oo xiriir ah dad badan oo Somali beeraleey iyo xoolo dhaqato ahaa waxay go’aansadeen in iyaga carruurtooda in ay ku dhawaadaan magaalooyinka si ay ugu helaan Nolol taas oo kor u qaadaya tirada xeryaha barakacayaasha magaalooyin ay baydhabo ka mid tahay
Xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal duleedka magaalada Baydhabo, ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, ayaa qaar ka mid ah dadka degan waxay muujiyeen in dhibaatada hareeraheeda ka jirta ee abaarta iyo colaada uu yahay wax ka duwan wax kasta ooy arkeen intii ay noolaayeen.
Guryo cooshado ka sameysan oo ulo iyo jajab ah iyo kartoomo la jarjaray lagu dhisay oo ay dhax jiifaan dad baahan ayaa waxaa ku dagaalamaya siyaasiin kursi ku loolamaya xili Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarku ay ka digayaan duruufaha sii xumaanaya iyo darnaashaha macaluul soo fool leh .
Malaayiin qof ayaa halis ugu jira cunto yari, iyadoo qaar badan oo ka mid ah Soomaalida ku tiirsan gargaarka-baniaadaniada kuwaas oo Marka loo eego yaraanta gargaarka, iyo faqriga daba dheeraaday ay bilaabeen in ay dawarsadaan