Bariga Afrika: WHO oo ka digtay khatarta cudurro iyadoo ay jirto abaarta Geeska Afrika

18″ Aug” 2022

Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday baahida loo qabo in la taageero malaayiin dad ah oo wajahaya gaajo iyo cudurro ka taagan Geeska Afrika.

Isagoo ka hadlayay Geneva, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in abaarta, colaadaha, isbeddelka cimilada iyo korodhka qiimaha cuntada, shidaalka iyo bacriminta, ay dhamaantood ka qayb qaadanayaan helista cunto ku filan.

Wadamada ay dhibaatadu ka dhacday ayaa kala ah Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda.

“Gaajo iyo nafaqo-xumo ayaa khatar toos ah ku ah caafimaadka, laakiin sidoo kale waxay daciifiyaan difaaca jidhka, waxayna u furaan albaabka cudurrada ay ku jiraan oof wareenka, jadeecada iyo daacuunka,” ayuu sharaxay.

Tedros ayaa sheegay in dhibaatadu ay ku qasbeyso dadka qaar in ay kala doortaan bixinta kharashka cuntada iyo daryeelka caafimaadka, qaar badan ayaa u hayaamaya si ay cunto u raadiyaan, taas oo keeni karta khatar sare oo cuduro ah.

WHO ayaa in ka badan $16 milyan ka bixisay sanduuqa gurmadka si wax looga qabto baahiyaha, laakiin taageero dheeraad ah ayaa loo baahan yahay.

Hay’addu waxay codsanaysaa lacag dhan 123.7 milyan oo dollar taasoo loo adeegsan doono ka hortagga iyo xakamaynta cudurrada dillaaca, daweynta nafaqo-xumada, iyo bixinta adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah iyo sidoo kale dawooyinka.

Codsiga Tigrayga

Tedros waxa uu sheegay in abaartu ay sii kordhinayso “masiibada bani’aadamku samaysay” ee ka jirta gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, halkaas oo uu dagaal ka socday muddo ku dhow laba sano.

Ilaa lix milyan oo qof ayaa waxaa go’doomiyay ciidamada Itoobiya iyo Ereteriya, ayuu yiri, “waxaa laga xiray caalamka dibaddiisa, oo aan lahayn isgaarsiin, adeeg bangi oo aan lahayn iyo koronto iyo shidaal aad u kooban.

Taasina waxay keentay in ay la kulmaan cudurro badan oo ka mid ah duumada, kudka, daacuunk犀利士 a, shuban biyoodka iyo cudurro kale.

“Arxan-darradan aan la qiyaasi karin waa in la dhammeeyaa. Xalka keliya ayaa ah nabadda,” ayuu yidhi Tedros.