Barnaamijka uu soo kordhiyay Instagram ee aad ku go’aamin karto waxa kaaga soo hor bixi kara bartooda

Instagram ayaa tijaabinaysa barnaamij cusub kaas oo dadka u oggolaanaya in ay gabi ahaanba meesha ka saaraan dhammaan waxyaabaha iyaga oo aan rabin uga soo horbaxa marka ay galaan app ka.

Barnaamijkaan oo lagu magacaabo “reset” micnaheeduna yahay dib u hagaajin – ayay sheegtay shirkaddu in dunida oo dhan u furnaan doon “dhawaan” – waxay si wax ku ool ah u nadiifin doontaa dhamaan waxyaabaha aadan rabin ee uu ku horkeenayo algorithm ka marka aad dhexgasho barta.

Waxay ku soo beegantay arrintani iyadoo Instagram ay ku dhawaaqday barnaamijyo dhowr ah oo cusub oo looga golleeyahay in lagu kor loogu qaado caafimaad qabka barta, sidoo kale barnaamijyo badqabka dadka ah ayaa la keeni doonaa bisha October oo loogu talo galay ciyaalka aan qaangaarka ahayn eek u soo biiraya barta bulsho.

Hay’adda Maamusha warbaahinta UK, Ofcom, ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista arrinkaan – laakiin waxay sheegtay in loo baahanaan doono tallaabooyin kale oo dheeraad ah si baraha bulshada looga dhigo kuwa ammaan ah.

Way wanaagsan tahay in la arko Instagram oo keenaya isbeddelladan ka hor inta uusan sharcigu billaabin inuu qabto, waxaana ku cadaadin doonnaa shirkadaha inay wax badan sameeyaan si ay u ilaaliyaan oo ay u garab istaagaan isticmaalayaashooda,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’addu

Shirkadaha teknolojiyadda ayaa horay looga digay inay u baahan doonaan inay “sameeyaan isbeddello aad u muhiim ah” ka hor inta uusan si buuxda u dhaqan gelin sharciga cusub ee Badbaadada Onlaynka ee Ingiriiska (OSA).

“Marka sharciyada badbaadada khadka tooska ah ee Ingiriiska ay si buuxda u dhaqan galaan, baraha iyo appab- waaweyn waa inay dadka siiyaan koontarool dheeraad ah oo ku aadan waxa ay arkayaan,” ayaa lagu daray bayaanka Ofcom.

Ololeeyayaasha qaar ayaa ku doodaya in OSA uusan si aad ah wax u xadidaynin, loona baahan doonaan in la adkeeyo ama lagu daro xayiraado kale sharcigaan, tusaale ahaan isticmaalka taleefoonka gacanta ee dhalinyarada ayay sheegeen in lagu daro.

Waxaa sidoo kale jirta dood caalami ah oo aad u adag oo ku saabsan sidii dhalinyarada loogu ilaalin lahaa badqabka onlaynka, iyadoo Australia ay dhawaan soo jeedisay in baraha bulshada laga mamnuuco dadka ka yar 16 sano.

Haweeneey

Sida loo isticmaalo

Meta – oo leh barta Instagram-ka – ayaa sheegaysa in nidaamka cusub uu noqon doonomid uu heli doono qof kasta oo ay ku jiraan caruurta aan qaangaarin, waxa uuna ka caawin doonaa dadka inay dib u nidaamsadaan waxyaalaha ay doonayaan in arkaan “iyaga oo raacay dhowr tallaabo oo kaliya”

“Waxaan rabnaa inaan hubinno in qof walba oo ku jira Instagram – gaar ahaan dhalinyarada – ay helayaan wax u qalma, ammaan ah, oo faa’ido leh, ayna dareemaan waqtiga ay ku bixinayaan Instagram inuu yahay mid qiimo leh,” Meta ayaa ku tiri sidaas qoraal ay arrintaan ku baahineysay.

Isticmaalayaasha doonaya inay dib u cusbooneysiiyaan hadba xogta ay ku arkayaan darbigooda ayaa waxay awood u yeelan doonaan inay “iyagu doortaan waxa ay ku arki doonaan” shaashadda, iyaga oo qori doona waxay ay rabaan qaybta “xoga aad doorbideyso”.

Intaas kadib, waxaa la waydiin doonaa hadii ay rabaan inay isaga haraan akoonada soo dhiga waxyaabaha ay inta badan arkaan.

Halkaa marka ay marayso, isticmaalayaashu waxay dib u dajin karaan waxa ka soo horbaxi doona.

Dadka isticmaala Instagram waxay durba saameyn ku yeelan karaan nuuca xogaha ka soo hor bixi doona iyaga oo u sheegaya algorithm-ka inay xiiseynayaan qoraallada loo soo bandhigo iyo in kale.

TikTok ayaa hray u sameysatay barnaamij kan la mid ah , kaas oo dadku go’aan ka gaari karaan waxa ka soo horbaxay ee ki jira qaybta loo yaqaano “For you” iyagoo raacaya dhowr tillaabo oo kooban.

Tallaabada Instagram ayaa timid ka hor hirgelinta Xeerka Badbaadada onlaynka ee la filayo December, kaas oo waqti kooban u qaban doono shirkadaha iska leh baraha bulshada iyo mareegaha waawayn.

Shirkadaha sida Meta waxay heli doonaan saddex bilood si ay u qiimeeyaan halista waxyaabaha sharci darrada ah ee ka soo baxa onlaynka, waana inay qaadaan tillaabooyin ay ku joojinayaan.

Si gooni ah, hay’adda Afcom waxay dhamaystiri doontaa hannaankeeda Badbaadada Carruurta marka la gaaro bisha April 2025, kaas oo la filayo in shuruudaha ay ka mid noqon doonaan in shirkadahu ay carruurta siiyaan koontarool dheeraad ah oo ku aadan waxa ay ku arkaan barahooda bulshada.