Buufinta Shiineeska ee basaaska ah oo dul maray Mareykanka waa aaladda cimilada, loo adeegsado ayay tiri Beijing

,3″ February “2023” AP

犀利士 medium-font-size”>Buufin Basaas Shiinees Ah Oo Dul Maray Mareykanka, Waa Aaladda Cimilada, Loo Adeegsado Ayay Tiri Beijing Dheeho.com

Buufin basaas ah oo la sheegay in lagu arkay Mareykanka ayaa ah “diyaarad rayid ah” oo Shiinees ah oo ka leexatay wadadii loo qorsheeyay, ayuu yiri Shiinaha.

Saraakiisha difaaca Mareykanka ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in buufinta, oo lagu arkay meelo xasaasi ah maalmihii la soo dhaafay, uu dhab ahaantii ahaa qalab leh”ilaalin heer sare ah

Laakiin bayaan ay soo saartay, wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa lagu sheegay in loo adeegsaday ujeeddooyin la xiriira saadaasha hawada”.

Shiinuhu “waxa uu ka qoomameynayaa gelitaanka aan ula kac ahayn” ee buufinta hawada Maraykanka, ayay raacisay qoraalkeeda bayaanka ay soo saartay, wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha

Shayga ayaa dul maray jasiiradaha Alaska ee Aleutian iyo Canada ka hor inta uusan ka soo muuqan magaalada Billings ee Montana Arbacadii, sida ay saraakiishu sheegeen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in buufinkan uu leeyahay awood xaddidan oo hagitaan ah “oo uu ka leexday koorsadii loo qorsheeyay” dabaylo jihada ka lumiyay darteed.

Pentagon-ka ayaa mar sii horreysay sheegay in ay “la socdaan buufin sare oo ilaalin ah”Maraykanku Waxa uu go’aansaday in aan la soo ridin buufinta oo laga yaabo in ay ku dul heehaabto goobo xasaasi ah,sabato ah walaac laga qabo in la waxyeeleeyo dadka dhulka jooga.

Warkan ayaa soo baxay iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken la filayo i safarkiisii ​​ugu horeeyay uu ku tago magaalada Beijing todobaadkan.

Booqashada si rasmi ah looma shaacin, mana cadda isla markiiba haddii daah-furka buufinku uu saameyn ku yeelan doono qorshihiisa safarka

Sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa u sheegay wariyeyaasha Pentagon-ka in Mareykanku uu “kalsooni aad u sarreeya” ku qabo in shayga lagu arkay hawadiisa maalmihii la soo dhaafay uu ahaa buufin sare oo Shiinaha ah, isla markaana dul heehaabayay goobo xasaasi ah si uu xog uga ururiyo.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay, ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah meelaha buufinta lagu arkay ay tahay Montana, oo ku taal mid ka mid ah saddexda gantaal ee Nukliyeerka ah ee qaranka ee saldhiga ciidamada cirka ee Malmstrom.

Sarkaalku waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku uu ku qiimeeyey buufinku inuu “xadidan yahay” qiimihiisu marka la eego bixinta xog sirdoon oo aanay heli karin tignoolajiyada kale, sida dayax-gacmeedyada basaaska.

Muuqalka buufinku wuxuu ku darayaa walaaca amniga qaranka ee sharci-dajiyayaasha Mareykanka ee ku saabsan saameynta Shiinaha ee dalka, oo u dhexeysa faafitaanka taleefanka casriga ah ee caanka ah ee TikTok ilaa iibsashada dhul beereed Mareykan ah.

“Ixtiraam la’aanta Shiinaha ee madax-bannaanida Mareykanka waa tallaabo xasillooni darro ah oo ay tahay in wax laga qabto,” Afhayeenka Aqalka Jamhuuriga Kevin McCarthy ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray.

Pentagon
The Pentagon said on February 2, 2023, that it was tracking a Chinese spy balloon flying high over the United States that appeared to be surveilling highly sensitive nuclear weapons sites