Bayaan Ay Wadajir U Soo Saareen Wakiilada Beesha Caalamka oo Ku Baaqaya In Wadahadaladu Sii Socdaan

Muqdisho *, 8 Abriil 2021 –

Saaxiibada caalamiga ah * waxay ka argagaxeen hadalada dadweynaha ee ay shalay jeediyeen qaar ka mid ah mas’uuliyiintu iyagoo sheegaya in kulankii albaabada u xiran yahay, wadatashiga, ee Dowlada Federaalka iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah aaney wax horumar ah ku talaabsan.

Waxaan ku adkeyneynaa in wadahadalladan ay udub dhexaad u yihiin xaqiijinta hirgelinta hannaanka doorashada ee 17ka Sebtember ee doorashooyinka lagu kalsoonaan karo, iyada oo aan la’aanteed horumarka sannadihii ugu dambeeyay ee xasilloonida Soomaaliya, horumarka dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hay’adaha ay khatar ku jirto.

Waxaan ka codsaneynaa hogaamiyaasha inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada si ay heshiis u gaaraan, iyadoo loo marayo tanaasul, arrimaha harsan. Waxaan mar kale ku celineynaa in wada-hawlgalayaashu aysan taageeri doonin geeddi-socodka is-barbar socda, doorashooyinka qayb ka mid ah, ama dadaallada cusub ee horseedaya kordhinta muddooyinka hore. Waxaan ku boorineynaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan waxkastoo ficil ah ee sababi kara xiisadaha siyaasadeed.

Marka la eego culeyska xaaladda jirta, wada-hawlgalayaashu waxay la-tashiyo deg-deg ah la sameynayaan ka-qaybgalayaasha kulanka FGS-FMS iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya si loo ogaado xulashooyinka si dhakhso leh loogu xalliyo dhibaatadan iyo dib ugu soo laabashada wadahadalka.

  • * Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, Poland, Qatar, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay

Leave a Reply