2- September-2023
Bayern Munich waxay noqotay kooxdii saddexaad ee isboorti ee lagu xakumo ololaha Booqashada Rwanda’
Kooxda Premier League-ga ee Arsenal (oo madaxweyne Paul Ka犀利士 game uu taageere weyn u yahay) iyo kooxda kubbadda cagta Faransiiska ee PSG ayaa shuruudo ku xiray heshiisyo ay hore u kala saxeexdeen Rwanda
Kigali ayaa Sport’s-ka Iyo Filimada u aqoonsatay inay door muhiim ah ku leeyihiin dib-u-soo-celinta booska ugu sarreeya ee dalxiiska dalkeeda
Waddamada Bariga Afrika ayaa dhaqaale badan ku bixinaya sidii ay dad badan oo dalxiisayaal ah u soo jiidan lahaayeen, taas oo jawaab u ah tirooyinka sii yaraanayay muddooyinkii u dambeeyay ka dib markii uu dunidu ku habsaday masiibadii Covid-19
Rwanda, Kenya, Tanzania iyo Uganda ayaa dhamaantood bilaabay olole suuqgeyneed oo kala duwan, kuwaas oo looga golleeyahay in lagu taabto booqdayaasha cusub ama lagu xasuusiyo martidii hore qiimaha ay ku raaxaysan doonaan marka ay yimaadaan dalalkan ku yaal Bariga africa
Toddobaadkan, mas’uuliyiinta Rwanda waxay difaacanayeen heshiiskooda horumarinta dalxiiska ee Bayern Munich”
Kooxd Bayern Munich ayaa ku sawiri doonta Funaanadeed ‘Booqo Rwanda’, iyagoo siinaya muuqaal daawadayaal caalami ah oo raacaya horyaalnimada Jarmalka, iyo sidoo kale UEFA Champions League oo kooxdu ay ka qayb gasho sannad kasta.
Suuq-geynta Dalxiiska Rwanda, iyo naadiyada, Yurub ayaa la kulmay dhaleecayn markii Toddobaadkan, kooxaha xuquuqul insaanka ay ku canaanteen Bayern Munich kooxda kubbadda cagta ee Bundesliga-Jarmalka inay ka qayb qaadaneyso xayeeysiinta waddan ay ku tilmaameen mid aad u hooseeya heerka ilaalintiisa xuquuqda aadanaha.
“Iskaashiga Rwanda & Bayern Munich waa doorasho aad iyo aad u xun-Dalkani waa waddan lagu tunto xuquuqul insaanka,” ayuu ku yiri khudbad uu u jeediyay suxufiyiinta Wenzel Michalski, agaasimaha Human Rights Watch Germany
Bayern Munich ayaa ka baxday heshiiskii ay la gashay Qatar Airways ka dib markii cadaadis lagu saaray sida dalku ula dhaqmayo muhaajiriinta iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay.
Talaabooyinkan ayaa soo baxaya iyadoo uu jiro heshiis iskaashi oo la isku raacay oo FC Bayern iyo Rwanda u dhaxeeya kaas oo soconaya ilaa 2028.