Bayle oo beeniyay in dib loo fasaxay qaadka Kenya

26″ January “2021

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay in dowlada federalka ay fasaxday soo dejinta qaadka ka baxa gudaha dalka Kenya

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shir jaraaid oo uu qabtay shalay si qaldan loo farisay, isla markaana uu ka hadlay oo kaliya qaadka hareeriga ah ee ka yimaada Itoobiya oo la xusay in uu dad gaar ah u xayiran yahay.

Waxaa uu caddeeyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda in aysan jirin cid sigaar ah uu ugu xayiran yahay qaadka hareeriga ah ee la keeno Magaalada Muqdisho, ayna soo dejisan karto cid kasta oo dooneysa inay ka ganacsato.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in qaab sharci ah loo maro soo dejinta qaadka oo la Canshuuro, isla markaana intaas uu ka hadlay oo kaliya, hayeeshee uusan marnaba ka hadlin qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya oo la joojiyay.

Waxaa soo baxayay illaa gelinkii dambe ee shalay fasiraado kala duwan oo laga bixiyay hadalka wasiirka maaliyadda oo aan kala qeexin qaadka uu ka hadlayay maadaama hore xayiraad ay u saarneyd qaadka Miirowga laga keeno dalka Kenya ayay dad badan u fahmeen in loola jeedo qaadka dalka Kenya warka uu shaaciyay Beyle.

Leave a Reply