Waa maxay Sirta uu shaaca ka qaaday Mubarak October markii lagu dhaliilay guurkii Farxiyo Fiska ?

9″ February “2023” BBC

Mubaarak Axmed Yuusuf “Oktoobar” oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan fanka Soomaalida ayaa wareysi uu siiyay BBC-da uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin waxyaabo ku saabsan noloshiisa iyo sida ay ugu baxday naaneysta “Oktoobar”.

Fannaankan da’da yar ayaa sheegay in uu fanka ku biiray bishii October ee sanadkii 2013, taasoo ah isla bishii uu dhahay.

Sababta la iigu bixiyay Oktoobar waa in aan dhashay bishaas kowdeedii,” ayuu yiri Mubaarak.

Waxa uu kasoo jeedaa qoys faneed, waana wiilka uu dhalay fannankii caanka ahaa ee la oran jiray Axmed Darwiish. Waxaa adeer u ah Daa’uud Xanfar oo isagana ka mid ah fannaaniinta sida we犀利士 yn loo yaqaan.

“Waxaan ahaa qof badiba noloshiisii waqti kusoo qaatay oo soo dhex joogay fanka inta aanan fanka maslax usoo istaagin oo aanan heesin,” ayuu yiri.

Heestii ugu horreysay ee uu qaaday Mubaarak waxaa la lagu magacaabaa “Siman”, sida u uku sharraxay wareysiga.

“Heesta Siman erayadeeda waxaa sameeyay nin saaxiibkey ah, Cali Kaaka, waxaa laxameeyay Qaasim Macruuf, muusiga waxaa tumay Maxamed iito, waxayna ahayd heestii aan qaaday markii ugu horreysay ee aan maslax soo istaagay.”

‘Jacaylku xuduud ma leh’

Dhanka kale Fannaankan ayaa ka hadlay arrin hadal heyn weyn ka dhalisay baraha bulshada oo ku saabsan noloshiisa, xilligaas oo dad badan ay ka falceliyeen guurkii Mubaarak iyo fannaanadda caanka ah ee lagu magacaabo Farxiya Fiska.

Isagoo sharraxayay waxa uu uga jawaabay arrintaas iyo dhaliishii loogu jeediyay inuu guursaday Farxiya Fiska ayuu BBC-da u sheegay in jacaylku uu uga jawaabay hestii caan baxday ee lagu magacaabay “Jacaylku xuduud ma leh” oo ay la qaadday xaaskiisa.

“Heeskaas Jacaylku xuduud ma leh waxaan qaaday waqti ay Soomaalidu ama dadka badiba [dhaliilayeen], kolley dadku isku mid ma ahane, inta caqliga saliimka ah leh si qurux badan bey u fakaraan, laakiinse inta maan-gaabka ah caqligoodu wuxuu gaarsiisan yahay ‘gabar ka weyn buu guursaday’, ayaa kalliftay heestaas inaan qaado,” ayuu yiri Mubaarak Oktoobar.

Waxa uu fannaanku intaas ku daray in uu heestaas ku muujinayay in jacaylku uusan lahayn da’ gaar ah balse uu yahay wax loo wada siman yahay.

Leave a Reply