11″ November “2022

Beelaha 6-da Shiidle ee Qowmiyadda Jareer weynaha Soomaaliyeed ayaa isu abaabulay in noqdaan xoogag cusub oo ku biiraya kacdoonka ka dhanka ah argagixisada shabaab Dheeho.com
Sarkaal u hadlay xoogaga xoreeynta shacabaka ee beelaha 6 da Shiidle ee Qowmiyadda Jareer weynaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay soo gabagabeyeen diyaar garowgkoodii dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaariijta ah ee alshabaab
Beesha jareeweynaha soomaaliyeed oo u badan dad beeraleey ah oo dhididkooda cuna ayaa ka mid ah beelaha dhadhamiyay ciqaabta argagixisada shabaab ay ku hayeen shacabka soomaaliyeed 15-kii sano ee la soo dhaafay