16- September-2023- Muqdisho
Beelaha Mudulood Iyo Jareer Weyn oo baaq wadajir ah ka soo saaray Xariga Ex dhame Sheegoow
Beelaha Mudullood iyo Jareer-weyne ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay fadhi gaar ah oo looga hadlay weerarkii lagu qaaday guriga Sarkaalka military ee u xiran dowladda ee Sheegow
Waxgaradka labada beelood ayaa warbaahinta la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankaas, waxayna shaaciyeen inay isku raaceen in aan la qabyaaladeyn xariga iyo weerarkii ka dhacay guriga Sheegow.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo u hadlay beelaha Mudullood ayaa sheegay inay isku afgarteen Waxgaradkii ka socday beelaha Jareer-weyne in arrintaasi ay u dhaxeyso sarkaal iyo dowladiisa oo qabiil aysan raad ku laheyn.
Muddulood iyo Jareer-weyne oo kulan ka yeeshay dhacdadii guriga General Sheegow ayaa isku raacay in arrinta dhacday aysan qabiil ahayn, oo ay ahayd arin dhax martay sarkaal iyo dowladdiisa” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.
Ugaaska ayaa sheegay in gurigaas uu ka dhacay dagaal sababay inay dhintaan askar ka tirsaneed dowladda iyo ciidan ku heyb ahaa Jeneraal Sheegow, isla markaana artintaas siyaabo kala duwan looga hadlay.
“Markii aan 壯陽藥 wadahadalnay waxgaradka Jareer-weyne waxaan is tusaaleynay in arrintaasi ay ku dhacday si nasiib darro ah, waxaana isla garanay in loo daayo hey’adaha garsoorka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud.