18″ February “2022
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wax壯陽藥 aa ay sheegeen inay ka war hayaan in doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay qiyaastii kala bar qabsoontay.
Beesha Caalamka ayaa mar kale hoosta ka xarriiqday baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan, si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa dhammaan Madaxda Soomaalida loogu baaqay inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, lana xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed
Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan. Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Sidoo kale” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Saaxiibada caalamka ayaa ku celinayay walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan.
“Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo ee geeddi-socodka doorashada” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Beesha Caalamka kasoo baxay Maanta oo Jimco ah.